Dibadbaxayaasha oo xiray waddooyinka magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo (Axadle) Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Galmudug ay gadood ka sameeyeen koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolkaasi.

- Advertisement -

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa ka dhaqaaqay Xerada Indha Qaris, waxayna la wareegeen seddex bar koontarool oo laga soo galo magaalada Gaalkacyo.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in ciidamada ay joojiyeen dhaq dhaqaaqii ka socday koonfurta Gaalkacyo, iyaga oo ka celinaya gawaarida inay isticmaalaan wadooyinka magaalada.

Saraakiisha hogaamineysay ciidankaan ayaa sheegay in wax mushaar ah aan lasiinin mudo seddex bilood ah isla markaana ay waayeen xuquuqdoodii Galmudug.

Ilo wareedyada ayaa intaa ku daraya in haatan ay socdaan dadaalo ay wadaan waxgaradka iyo odayaasha deegaanka, kuwaas oo dadaal xoogan ugu jira sidii loo xalin lahaa tabashada ciidamada isla markaana dib loogu celin lahaa goobihii ay ka yimaadeen.

Laakiin xaalada ayaa hada ah mid aad u kacsan mana jiraan wax hadal ah oo wali ka soo baxay mas’uuliyiinta ugu sareysa dowlad goboleedka Galmudug oo ku aadan xiisadan.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More