UN, EU, IGAD iyo AU waxay fariimo cad u dirayaan DF iyo dowlad goboleedyada

Muqdisho- UN, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo shirkii IGAD waxay ku qoreen waxa ay ugu yeereen “halista xooggan” ee ka dhalatey ku guuldareysiga codbixinta dib ayey u dhigeysaa Soomaaliya iyo ismari waaga wadahadal ee u dhexeeya Dawladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Dalka

- Advertisement -

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay xoghayaha guud ee qaramada midoobay arimaha siyaasada Rosemary DiCarlo, wakiilka midowga yurub u qaabilsan arimaha Africa Rita Laranjinha, agaasimaha siyaasada ee midowga yurub Bankole Adeoye iyo xoghayaha guud ee IGAD Dr. Workneh Gebeyehu.

Bayaan ay soo saareen kulanka kadib ayay ururada ku muujiyeen walaac xoogan in xasilooni darada siyaasadeed ay saameyn taban ku yeelato nabada, amaanka, xasiloonida iyo barwaaqada Soomaaliya.

“Waxaan mar kale xaqiijinaynaa go’aankeena ah inaanan taageerin geeddi-socodka doorashooyinka isku midka ah, doorashooyinka hal dhinac ah ama dadaal kasta oo cusub oo horseedi kara kordhinta xilligii hore,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay UN-ka, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen madaxda Soomaalida inay danta qaranka ka hormariyaan danaha gaarka ah, dib ugu laabtaan wada hadalka, raadiyaan tanaasul ku saabsan arrimaha la isku hayo iyo in la hubiyo in aan la qaadin talaabo khalkhal gelin karta xasiloonida dalka.

“Waxaan ku boorrinaynaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay sii wadaan horumarka laga sameeyay dowlad dhisidda iyo siyaasadaha loo dhan yahay, gaar ahaan doorashooyinka iyo kala wareejinta awoodda si nabad ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

UN-ka, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa sheegay inay si dhaw ula socon doonaan xaalada Soomaaliya.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More