Chelsea Oo Xasuuq Ay U Geysatay Crystal Palace Kaalinta 4aad Kagala
Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa xasuuq ay u geysatay Crystal Palace waxay dib ugu soo laabatay kaalinta afraad ee horyaalka oo ay ka riixatay Liverpool oo si ku-meelgaadh ah fiidkii hore u qabatay.
Blues ayaa dhulka la dhacday Crystal Palace oo ay marti u ahayd, waxaanay u dhiibtay afar gool oo mid kaliya ay Palace ka jawaabtay, waxaana tobankii daqiiqadood ee horeba ay Chelsea ciyaarta ku hoggaaminaysay 2-0.
Kai Havertz ayaa daqiiqaddii siddeedaad ee ciyaarta hoggaanka u dhiibay kooxdiisa isagoo si xarrago leh u dhaliyey kubbad ay difaaca Crystal Palace iska soo saareen, ka hor intii aanu Christian Pulisic laba daqiiqadood oo kaliya kaddib natiijada ciyaarta ka dhigin 2-0.
Pulisic ayaa dhex ordaya dersin difaaca Palace ah ayaa waxa uu baas qurux badan ka helay Kai Havertz oo uu calankiisu taagnaa, waxaana isagoo ordaya uu lasii galay xerada ganaaxa ka hor intii aanu goolhaye Vicente Guaita dhinaca ka dhigin kubadda.
Chelsea ayaa inta badan daadihinaysay ciyaarta, waxaanay ku wanaagsanayd dhinac walba oo laga eego, balse dardarta ugu badan ayay ka samaynaysay khadka dhexe iyo weerarka oo ay si layaableh uga shaqaynayeen Kai Havertz, Christian Pulisic iyo Mason Mount oo ay kubbado kusoo habayeen Kovacic iyo Jorginho.
Kurt Zouma ayaa daqiiqaddii 31aad rajo la’aan ka dhigay Crystal Palace, waxaana uu madax ku qabtay kubbad laad xor ahayd oo uu soo tuuray Mason Mount, taas oo uu daba mariyey goolhaye Vicent Guaita oo difaaciisu ka joojin waayeen kubbadaha daadka ah ee ku socday.
Fursad kale oo dahabi ah ayay heshay Chelsea waxyar kaddib goolka Zouma, waxaana baasas isku dhiibay Mount iyo Hudson-Odoi oo markii dambena goolka toogtay, waxaase iska soo difaacay goolhaye Guaita.
Mar kale ayuu Zouma ku dhowaaday in uu dhaliyo goolkiisa labaad ee ciyaarta, waxaase ka hor joogsaday Van Aanholt oo laynka kasoo qabtay kubadda.
Qaybtii dambe ayay xoogaa isasoo canaanatay Crystal Palace, waxaanay iska noolaysay khadka difaaca ee markii hore kala daadsanaa, iyagoo helay hal gool oo uu u dhaliyey Christian Benteke oo dhaqaaq cajiib ah sameeyey, isla markaana madax ku qabtay kubbad hadiyad ahayd oo uu ka helay Schlupp.
Laakiin Chelsea ayaa ay u furnaayeen gool-dhalintu, waxaana mar kale shabaqa soo taabtay Christian Pulisic oo goolka hortiisa ka helay kubbad uu goolka hortiisa ka helay, waxaanu ciyaarta ka dhigay 4-1.
Chelsea ayaa soo gashay kaalinta afraad iyadoo yeelatay 54 dhibcood, waxaanay laba dhibcood ka hooseeyaan Leicester City oo kaalinta saddexaad fadhida, lana ciyaaraysa West Ham oo iyaduna laba dhibcood ka dambaysa Chelsea.