Shaxda Rasmiga Ah Ee Crystal Palace vs Chelsea – Tuchel Oo FC Porto
Chelsea ayaa ku sugan garoonka Selhurst Park oo ay marti ugu tahay Crystal Palace, waxaanu tababare Thomas Tuchel uu raadinayaa in ay dib ugu soo laabtaan jidka guusha ee horyaalka iyo kaalinta afraad kaddib markii usbuucii hore ay West Brom ku garaacday 5-2.
Blues ayaa dib u wada heshay ciyaartoygeeda ka hor kulanka Selhurst Park, laakiin waxa ka maqan Thiago Silva oo kaadh cas qaatay ciyaartii hore, waxaase khadka dhexe kusoo bilowday Hudson-Odoi oo muddooyinkii dambe kaydka ku jiray.
Thomas Tuchel ayaa ciyaartan kusoo bilaabay Mason Mount, Christian Pulisic iyo Kai Havertz, waxaanu kaydka u diray Timo Werner, Olivier Giroud iyo Tammy Abraham, taas oo ka dhigan in dhaliyeyaashii dabiiciga ahaa ay bannaanka fadhiyaan.
Difaaca ayay wada taagan yihiin Antonio Rudiger, Christian Pulisic iyo Azpilicueta, halka Hudson-Odoi iyo Chilwell ay khadka dhexe raacsan yihiin, iyagoo caawinaya Jorginho iyo Kovacic.
Kursiga kaydka ayay is ag-fadhiyaan N’Golo Kante, Abraham, Werner, Giroud, Ziyech, James iyo Emerson.
Crystal Palace ayaa iyaduna hubkeeda ugu culus lasoo shir-tagtay, waxaana garoonka kusoo wada bilowday Christian Benteke iyo Saha oo kaalmo ka helaya Aye iyo Eze.
Khadka dhexe ayay wada taagan yihiin Riedewald iyo Milivojevic, halka difaacana ay joogaan Ward, Van Aanholt, Cahill iyo Kouyate.
Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood
CRYSTAL PALACE XI: Guaita, Ward, Van Aanholt, Cahill, Kouyate, Riedewald, Milivojevic, Eze, Ayew, Zaha, Benteke.
Kaydka: Butland, Dann, Townsend, Mateta, Schlupp, McCarthy, Mitchell, Kelly, Rak-Sakyi.
CHELSEA XI: Mendy, Rudiger, Zouma, Azpilicueta, Hudson-Odoi, Chilwell, Jorginho, Kovacic, Mount, Pulisic, Havertz.
Kaydka: Kepa, Alonso, Kante, Abraham, Werner, Giroud, Ziyech, James, Emerson.