Xiddiga Musaaricada WWE Triple H Oo Koox Lama Filaan Ah U Saadaaliyay
Halyeeyga ciyaarta madadaalada musaaricada ee WWE Triple H ayaa saadaaliyay inay West Ham u soo bixi doonto Champions League xilli ciyaareedkan isagoo fariin u diray xiddigii hore ee Tottenham Gary Lineker.
- Advertisement -
Triple H oo 16 jeer ku guuleystay suunka WWE ayaa muuqaal uu u soo duubay daadihiyaha barnaamijka BT Sports Lineker wuxuu kaga hadlay rajada ay West Ham ka qabto inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedkan.
Fariinta uu soo duubay ayaa imaaneysa iyadoo BT Sport ay todobaadkan baahinta doonto WrestleMania 37 oo bilaabneysa 10ka April lana soo gabagabeynayo 11ka April.
Triple H ayaa yiri: “Hi Gary, waa Triple H oo kaala soo hadlaya magaalada Orlando ee gobolka Florida.
“Waan ogahay inaad mashquul tahay haatan, waan ogahay inaad tabineyso Champions League, tartan kooxeedka ugu weyn caalamka, kaasoo noqon doona mid ka sii weyn sida uu haatan yahay marka ay West Ham u soo baxdo sannadka danbe.”
Arsenal ayaa dhawaan heshay taageerada WWE markii ay ciyaartoydooda u daareen muusiga ay ku soo galaan Triple H iyo Kurt Angle.
Laakiin Triple H oo magaciisa runta ah uu yahay Paul Lavesque ayaa ah taageere weyn oo West Ham ah.
Wuxuu bishii September ugu baaqay Declan Rice inuu kooxda iska sii joogo xilli lala xiriirinayay kooxda Chelsea.
Fariintaas ayaa gaartay Declan Rice madaama uu go’aansaday inuu iska sii joogo West Ham ayaa haatan ku jirta kaalinta afaraad iyagoo leh 52 dhibcood waxay hal dhibic ka sareeyaan Chelsea oo shanaad u dhacday.