Shirka Afisyooni oo galay maalintii labaad iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Axadle) – Magaalada Muqdisho ee Axadle Soomaaliya waxaa maalintii labaad ka socda shir gaar ah oo u dhexeeya madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo ka socda Teendhada Afisyooni.

- Advertisement -

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa dibad-joog ka ah warbaahinta, iyada oo ay soo qaban-qaabisay beesha caalamka, si xal looga gaaro is mari-waaga doorashooyinka dalka.

Inta badan waxaa shirkani diirada lagu saarayaa isku dhowaanshaha labada dhinac, iyaga oo shalay dood adag ka yeeshay qodobada qaar ee la’isku hayo.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in kulanka maanta uu ka duwan yahay kii shalay, isla-markaana hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay warbixin ka dhageysan doonaan guddigii farsamada ee ku kulmay Baydhabo, kaas oo dejiyay tallaabooyin looga gudbi karo caqabadaha jira, si dalka ay uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo loo dhan yahay.

Wada-hadallada ka billowday Teendhada Afisyooni ayaa horudhac u ah shirka guud ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee heshiiska looga gaarayo doorashada.

Si kastaba Soomaaliya ayaa haatan ku jiro xaalad adag oo kala guur ah, waxaana la’isku hayaa hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka oo aad dib ugu dhacay.

 

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More