Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa lacag la’aan ku badashay
Bayern Munich iyo Real Madrid ayaa ku dhow inay si bilaash ah ciyaartoyda isku dhaafsadaan iyadoo Lucas Vazquez iyo David Alaba ay ogolaadeen inay beeca xorta ah ku helaan.
Xaqiiqda ah in labada ciyaaryahanba ay diideen inay qandaraaska u kordhiyaan ayaa u saamaxeysa inay bedelaan Munich iyo Madrid.
Xiddiga reer Austrian ayaa dhab ahaan lala xiriirinayay Real Madrid waxaana la filayaa inuu dhameystiro heshiiska isbuucyada soo socda.
Vazquez ayaa diiday qandaraas cusub oo Real Madrid ay u soo bandhigtay iyadoo Bayern Munich ay sugeyso go’aanka ugu dambeeya ee mustaqbalkooda, halka Bayern ay ceyrisay David Alaba bishii November.
Haddii labada laacib ay u kala wareegaan labada naadi, Los Blancos iyo Bayern ayaa waayi doona oo guuleysan doona laacib dheeli kara in ka badan.
Alaba wuxuu boos joogta ah ka heystaa xulkiisa iyo dalkiisa halka Vazquez uu garoomada ka maqnaa Spain tan iyo koobkii aduunka ee Russia 2018.
Alaba waxa uu inta badan waayihiisa ciyaareed kusoo qaatay daafaca bidix, laakiin xilliyadii ugu dambeeyay wuxuu isku badalay daafac dhexe.
Liiska ciyaartooyda lasii daayay xagaagan ayaa ah mid dheer oo ay ka buuxaan xiddigo waaweyn, waxaana hogaaminaya laacibka kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo daafaca Real Madrid ee Sergio Ramos.
Aguero, Goolhayaha AC Milan Gigi Donnarumma, Memphis Depay, Julian Draxler iyo Eric Garcia ayaa sidoo kale xor ah.