Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo bulshada ugu baaqay

Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed {Gobaladda Waqooyi Medical Association}, ayaa ku bogaadiyay wasaaradda Caafimaadka Xukumadda xilgaarsiinta in ay dalka keentay talaalka xanuunka Covid-19 ee AstraZeneca kaas oo dalka soo gaaray 15 March 2021.

- Advertisement -

“Waa guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saaraan Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

Dhaqaatiirta ayaa kula taliyay shacabka Soomaaliyeed in ay qaataan dalaalka xanuunka Coronavirus gaar ahaan AstraZeneca iyada oo la raacayo habraaca ay dajisay wasaaradda Caafimaadka xukumadda Soomaaliya.

Halkaan ka aqri Bayaanka oo dhamaystiran.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More