Maxay kawada hadleen Golaha Midowga Musharixiinta &

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa maanta oo isniin ah Muqdisho ka bilaabay kulamo gaar-gaar ah oo ay la qaadanayaan qaybaha kala duwan ee Bulshada si ay u dhageystaan talooyinkooda la xiriira xaaladda kala guurka ah ee dalka.

Dood & Aragti wadaag muddo socotay ayaa maanta dhexmartay Xubnaha ka socday Golaha Midowga Musharixiinta & qaybaha kala duwan ee dhaqanka metalayay sida ay ku xog-warrameen ilo xog ogaal ah.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Shariif Sheekh Axmed oo Guddoomiye u ah Golaha Midowga Musharixiinta ayaa Madax-dhaqameedyada fadhiga ka qaybgalay uga mahadceliyay soo jeedinta aragtidooda.

Gelinka dambe ee maanta waxaa ku biiraya qaybaha kala duwan ee Bulshada marka ay soo idlaadaan kulamada ayaa la filayaa in laga soosaaro warmurtiyeed ku qotoma qodobada ay isla garteen dhinacyadaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More