“Penaldo Iyo Penandes” – Xiddigii Hore Ee

Kulankii ay Portugal barbaraha 2-2 la gashay xulka Serbia wixii ugu weynaa ee laga qoray waxay aheyd goolkii saxda ahaa ee laga diiday Cristiano Ronaldo dhamaadkii ciyaarta iyo sida uu uga jawaab celiyay.

Si kastaba, daaficii hore ee Liverpool Jose Enrique ayaa u muuqday mid dhan kale ka eegay ciyaarta isagoo soo bandhigay inuu weli jaceyl u hayo kooxdiisa hore ee Reds.

Weeraryahanka Reds Diogo Jota ayuu ahaa midkii labada gool u dhaliyay Portugal isagoo ka soo kabsatay dhaawac jilibka ah uu la maqnaa dhowr bilood.

Madaama xiddiga Man United Bruno Fernandes iyo xiddiga Juventus Cristiano Ronaldo ay awoodi waayeen inay ciyaarta saameyn ku yeeshaan marka laga reebo goolkii laga diiday Ronaldo, Enrique ayay u noqotay fursad uu ku aflagaadeeyo labada xiddig.

Ciyaaryahankii hore ee xulka Spain ayaa ku tilmaamay labada ciyaaryahan kuwa ka ganacsada rigoorooyinka isagoo magacyadooda u bedelay ereyga rigoore lagu yiraahdo luqada Ingariiska ee Penalty.

Enrique ayaa sheegay in Jota uu dusha ku qaaday Ronaldo iyo Fernandes taasoo keentay inuu dhabarka ka dhaawacmp.

Enrique ayaa Instagram ku soo qoray: “WAR DEG DEG: Jota ayaa dhaawacmay. Jota wuxuu ka dhaawacmay dhabarka madaama uu dusha ku siday Penaldo iyo Penandes. Imissa idinka mid ah ayuu wadnuhu istaagay?”

Jota ayaa garoomada ku soo laabtay bishaan isagoo ka soo kabsaday dhaawacii jilibka ee soo gaaray horaantii xilli ciyaareedkan.

Intii uu dhaawaca ku maqnaa kooxdiisa Liverpool ayaa wajahday waqti adag iyagoo ka haray tartanka horyaalka islamarkaana halis ugu jira inay u soo bixi waayaan Champions League xilli ciyaareedka danbe.

Iyadoo sagaal kulan ay ka harsan tahay xilli ciyaareedka, 24 jirkaan ayaa rajeynaya inuu qeyb libaax leh ka qaato inay Liverpool wadada guulaha ku soo laabato. Wuxuu durbaba ku bilowday si fiican isagoo dhaliyay goolka guusha ee kulankii Wolves ka hor inta aan la aadin ciyaaraha caalamiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More