Sida Ay Noqon Karto Shaxda Chelsea Haddii

Chelsea ayaa lagu waramayaa inay dooneyso saxiixa Romelu Lukaku haddii ay seegaan saxiixa Erling Haaland xagaaga. Xiddiga reer Belgium ayaa ku jira qaab ciyaareed fiican xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 19 gool islamarkaana caawiye ka noqday sideed gool kale 26 kulan oo Serie A ah uu u soctay Inter Milan. Waxaana macquul ah inuu ku soo noqdo Stamford Bridge.

Chelsea ayaa kala soo wareegtay Lukaku kooxda Anderlecht xagaagii 2011.

Si kastaba, 27 jirkaan ayaa ku fashilmay Stamford Bridge isagoo amaah loogu fasaxay West Brom iyo Everton ka dib inta aan la iibinin.

Lukaku ayaa waayihiisa ciyaareed dib ugu dhisay Goodison Park iyadoo Chelsea ay dooneysay inay dib u soo iibsato oo ay ku bedesho Diego Costa sannadkii 2018.

Laakiin waa ay seegeen saxiixiisa iyadoo Manchester United ay ka hormartay la soo wareegidiisa.

Chelsea ayaa haatan rajeyneysa inay dib u la soo saxiixato Lukaku haddii ay seegaan saxiixa Haaland kaasoo doonaya inuu xagaagan ka tago Borussia Dortmund.

Sidaasi darteed waxaan eegi doonaa sida ay noqon karyo shaxda Blues haddii ay keenaan xiddiga Inter Milan islmarkaana ay la soo saxiixdaan goolhayaha AC Milan Gigi Donnarumma iyo daafaca Bayern Munich David Alaba.

Chelsea ayaa dooneysa inay la soo wareegto goolhaye Donnaruma kaasoo qandaraaskiisa AC Milan uu dhacayo xagaagan inkastoo goolhaye Mendy uu fiican yahay halka Arrizabalaga uu horumar sameynayo. Haddii ay heleen Donnaruma oo 22 sanno jir ah waa hubaal inuu boos joogta ah helayo taasoo ka dhigeysa in Arrizabalaga uu baxayo.

David Alaba oo isna sii shaaciyay inuu xagaagan si xor ah uga tagayo Bayern Munich ayaa diirada u saaran Chelsea, kooxda kaliya ee saxiixiisa kula tartameysa Blues waa Real Madrid.

Sida Ay Noqon Karto Shaxda Chelsea

(3-4-3): Donnarumma; Zouma, Rudiger, Alaba; James, Kante, Kovacic, Chilwell; Hudson-Odoi, Lukaku, Werner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More