WARBIXIN: Man United Oo Dejisay Qorshaha Ay Ku

Kooxda Manchester United ayaa la filayaa inay markale aad ugu mashquuli doonto suuqa xagaaga ee sanadkan iyadoo shaaca laga qaaday laba xiddig oo bar-tilmaameed u ah iyo labada xiddig ee ugu macquulsan ee ka tagi kara.

Red Devils ayaa loo badinayaa inay xagaaga soo xoojin doonaan safkooda iyaga oo keensanaya laba ciyaaryahan oo ka kala ciyaara daafaca dhexe iyo weerarka dhexe.

Labada xiddig ee boosaskaas bar-tilmaameedka ugu ah Red Devils ayaa kala ah Erling Braut Haaland oo Borussia Dortmund ka tirsan iyo Joules Kounde oo Sevilla daafaca dhexe uga ciyaara walow qiimahoodu uu noqon doono mid ay adagtahay in la gooyo.

Kaliya maaha ciyaaryahano imanaya balse sidoo kale tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka fikiraya ciyaaryahanada uu kooxda ka dirayo si uu nadiifin u sameeyo sidoo kalena lacago uga sameeyo iibkooda.

Sida uu sheegayo wargeyska The Athletic, waxa jira laba ciyaaryahan oo fursada ay ku baxayaan ay ka badantahay ciyaaryahanada kale waana Jesse Lingard iyo Diogo Dalot oo labaduba amaah ku maqan hadda.

Lingard ayaa ahaa mid hoos uga dhacay doorashada tababare Solskjaer horraantii xilli ciyaareedkan waxaana uu ku biiray West Ham United suuqii bishii January.

Kubad sameeyahaas ayaa ahaa mid qaab ciyaareed heer sarre ah ku jiray tan iyo markii uu Hammers u wareegay isaga oo xataa ku guuleystay in dib loogu waco xulka qaranka England.

Heshiiskii uu ugu biiray West Ham ayaan lagu darin qoddob ogolaanaya in kooxdaasi ay la saxeexan karto balse waxa jirta fursad fiican oo ay wada-xaajood kale ku gali karaan.

Dhinaca kale, Dalot ayaa isaguna ahaa mid qaab fiican ugu ciyaarayay AC Milan oo uu amaah ugu maqnaa, xiddiga Portugues-ka ah ayaa xilli ciyaareedkan 24 kulan usoo ciyaaray Milan waxaana la filayaa inuu heshiis rasmi ah u saxeexi doono,

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More