Kooxda Premier League Ee Uu Sida Waalida Ah U
Weeraryahanka Leeds United Patrick Bamford ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga Faransiiska iyo Barcelona Ousmane Dembele inuu taageero weyn u yahay kooxda Premier League ka ciyaarta.
- Advertisement -
Bamford ayay lama filaan ku noqotay markii goolhayaha Faransiiska ee kooxda Leeds Illan Meslier uu weydiistay maaliyadiisa ka dib ciyaartii ugu danbeysay ee Leeds la ciyaartay Fulham isagoo u rabay inuu u geeyo Dembele.
Goolhaye Meslier ayaa sharaxaad ku bixiyay in Dembele uu doonayay maaliyada Bamford iyo Kalvin Phillips sababtoo ah aad ayuu u jecel yahay Leeds, wuxuuna daawadaa kulamadooda oo dhan.
Weeraryahanka Leeds ayaa isna dalbaday maaliyada Barcelona ee Dembele iyadoo Meslier oo la jooga xulka da’ yarta Faransiiska uu habeen bar soo wacay Bamford isagoo u sheegay inuu u hayo maaliyada Dembele oo saxiixan.
“Illan waa nin shactiro badan” ayuu Bamford u sheegay shabakada Leeds. “Xaqiiqdii wuxuu i keenay hadiyad.
“Wuxuu iga soo wacay FaceTime habeen hore xilli saq dhexe ah anigoo jiifa, maanka ku haay Faransa hal saac ayay inaga horeysaa, wuxuuna la joogay xulka qaranka.
“Ka dib ciyaartii Fulham wuxuu igu yiri, ‘fadlan waxaan u baahanahay maaliyadaada’. Waxaan ku iri ‘yaad rabtaa inaad siiso?. Wuxuu igu yiri Dembele. Waxaan ku iri ‘Waa kuma? wuxuu igu yiri ‘ninka Barcelona u dheela’.
“Waxaa ku iri ‘ma maaliyadeyda ayuu rabaa?. Wuxuu igu yiri ‘haa, wuxuu rabaa maaliyadaada iyo tan Kalvin, taageero weyn ayuu u yahay Leeds, wuxuu daawadaa kulan walba’.
“Waxaan ku iri ‘ma dhab ayay kaa tahat?’. Waxaan ku iri Ok laakiin waxaan kaaga bedelanayaa inaad adigana ii keento maaliyadiisa.
“Sidaasi darteed wuxuu i soo wacay habeen hore xilli saq dhexe ah isagoo i tusay maaliyada Barca oo ay ku saxiixan tahay ‘ku socoto walaalkeey Bamford, ka timid Dembele.”