Shanta Goolhaye Ee Ugu Fiican Xilli Ciyaareedkan

Horyaalka Premier League ayaa haatan hakad galay iyadoo ciyaartoyda ay ku maqan yihiin waajibaad qaran madaama la ciyaarayo kulamada Isreebreebka Koobka Adduunka iyo isreebreebka Koobka Qaramada Afrika.

Tartanka Gacmashiga Dahabka ee Premier League ayaa meel xiiso leh maraya iyadoo goolhayaha Manchester City oo kooxdiisa ay horyaalka hogaamineyso uu isna hogaaminayo tartanka goolhayaha ugu fiican xilli ciyaareedkan.

Goolhayaha reer Brazil ayaa shabaqa ilaashada 16 kulan xilli ciyaareedkan mana jiro goolhaye kale oo tiro intaas la eg shabaqiisa gool ka ilaaliyay xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League.

Laakiin sidaasi ugama foga goolhayayaasha kale ee tartanka kula jira iyadoo xilli ciyaareedka uu ka harsan yahay sagaal kulan inkastoo Man City ay hal kulan sii hor ciyaartay.

Waxaa Emerson ku dhegan goolhayaha Aston Villa Emiliano Martinez iyo goolhayaha Chelsea Edouard Meny kuwaasoo iyagana shabaqa ilaashada 14 kulan xilli ciyaareedkan.

Waxaa ku sii xiga goolhayaha kooxda Tottenham Hugo Lloris iyo goolhayaha kooxda Leicester City Kasper Schmeichel oo iyagana shabaqa ilaashada min 10 kulan xilli ciyaareedkan.

Goolhayaha kulamada ugu badan shabaqa ilaashada xilli ciyaareedka ayaa la gudoonsiiyaa abaalmarinta goolhayaha xilli ciyaareedka ee Golden Glove.

Waxaa tartanka ka maqan goolhaye Alisson madaama kooxdiisa Liverpool ay jug xoogan soo gaartay xilli ciyaareedkan iyo goolhaye David de Gea oo halis ugu jira inuu booskiisa Man United u waayo Dean Henderson.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More