Tababare Ku Xigeenka Liverpool Oo Tilmaamay
Caawiyaha Liverpool Pep Lijnders ayaa hoosta ka xariiqay in xilli ciyaareedkooda uu burburay ka dib markii uu Fabinho ka baxay khadka dhexe oo loo wareejiyay booska daafaca dhexe oo looga maarmi waayay.
Xiddiga reer Brazil ayaa xaalad degdeg ah darteed waxaa loo wareejiyay booska daafaca dhexe markii uu Virgil van Dijk dhaawacmay bishii October ee sannadkii la soo dhaagay.
Kuma uusan soo laabanin booskiisa caadiga ah ee khadka dhexe ilaa iyo kulankii lugta labaad ee wareega 16ka Champions League ee ay ka badiyeen RB Leipzig 10kii bishaan Maarso.
22 kulan ka dib ayaa Fabinho lagu soo celiyay booskiisa dabiiciga ah ee khadka dhexe.
Labadii kulan ee lagu soo celiyay booskiisa khadka dhexe, kooxda Jurgen Klopp ayaa badisya labada kulan wax gool ahna lagama dhalinin.
Tan iyo markii Fabinho laga wareejiyay booskiisa loona wareejiyay daafac dhexe Liverpool waxay ka soo degtay kaalinta koowaad ee Premier League dhamaadkii December iyagoo badiyay tan iyo markaas kaliya shan kulan, waxaa laga dhaliyay 20 gool halka ay shabaqa ilaashadeen kaliya afar kulan.
“Kaliya daafaceena ma uusan burburin madaama ay dhaawacyo yihiin Van Dijk, Joe Gomez iyo Joel Matip, laakiin waxaa sidoo kale la burburay khadkeena dhexe” ayuu Lijnders u sheegay shabakada Liverpool.
“Waxaan dhuminay mashiinkeenii khadka dhexe, taasoo dhibaato weyn inoo noqoay. Waxay taasi sababtay in meelo badan oo taatikada ah ay xumaato.
“Waxaan mar walba isku dayaynay inaan xal helno, laakiin xalka wuxuu u baahan yahay joogteyn laakiin taasi dhibaayo ayay aheyd sababtoo ah mar walba waxaa soo baxayay dhibaato cusub taasoo joogteynta meesha ka saartay.
“Fabinho wuxuu leeyahay awood ah inuu ka dhigo ciyaartoy aad u fiican kuwa ka garab ciyaaraya. Waa ay adag tahay xaqiiqdii in la helo ciyaartoy leh tayo ay ku soo saaraan ciyaartoy ka garab dheeleysa.”