Laba ruux oo ku dhimatay weerar lagu qaaday xerada

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 3 ruux ayaa ku dhimatay 5 kalana waa ku dhaawacantay weerar madaafiic ah oo lagu qaaday xerada Xalane oo ay daganyihiin wikiiladda beesha Caalamka iyo Hogaamiye-yaasha Puntland iyo Jubbaland.

- Advertisement -

Dadka dhintay waxaa ka mid ah 2 ruux oo isku qoys ah ku waas madaafiicdu guryahooda uga tageen sida ay Axadle u sheegeen eladooda.

“Weerarka waxaa ku dhintay labo ruux ka dib markii madfac ku soo dhacay guri ku yaalla degmada Wadajir gaar ahaan waaxda Xalane, Aabihii qoyska iyo wiil yar oo umul lagula jiray ayaa dhintay waxaana dhaawacmay 3 ruux oo isla qooyskaas ah” ayuu yiri Joobjooge la hadlay Axadle Media.

Laamaha amaanka Soomaaliya wali ka hadlin weerarka madaafiicda ah ee lagu qaaday xerada Xalane, waxaana halka weerarka lagu qaaday shir uga socday hogaamiyayaasha Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada dalka.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More