Jabuuti iyo Sucuudiga oo ka wada hadlay xaalada

Hogaamiyaha Dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ku qaabisay madaxtooyada Jabuuti Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Amiir Fayçal Bin Farhan Al Saoud, oo ay wehliyaan masuuliyiin sar sare oo ka socotay boqortooyada dalkaasi.

- Advertisement -

Booqashada Wasiirka Arimaha Dibada Sacuudiga ee Jabuuti ayaa salka ku haysa xoojinta “xiriirka saaxiibtinimo, walaaltinimo iyo iskaashi ee u dhexeeya labada wadan ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti”.

Labada dhinac ayaa ka dooday iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada wadan si gaar ah nabada iyo xasilinta gobolka.

“Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray baahida loo qabo in la sameeyo isku xirnaan ballaaran oo ka dhexeysa labada wadan iyada oo qayb ka ah xubinimadooda guud ee Golaha Wadamada xadka la leh Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo ah qaab is-dhexgal ah” ayaa lagu yir bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Jabuuti.

Xiriirka labada dhinac ka sokow, waxaa laga wada hadlay doodaha ugu waaweyn ee ajandayaasha looga hadlayo gobolka, gaar ahaan xaaladda Soomaaliya iyo Yemen.

Wasiirka Arimaha Dibada Sacuudiga ayaa amaanay doorka xasilinta gobolka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Inta wada hadalku socday ayay laba dhinac ka isku soo hadal qaadeen muhiimada ay leedahay in lawada hadalsiiyo Itoobiya iyo Suudaan oo isku haya dhul ku yaalla xuduudka labada wadan.

Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Jamhuuriyadda Jabuuti Abdoulaziz Bin Abdallah Al Matar ayaa ka qeyb qaatay wadahadalada u dhaxeeyay Wasiirka Arimaha Dibada ee Sacuudiga iyo Hogaamiyaha Jamhuuriyadda Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More