Ma Sidanaa U Dambaysay? Qiimaha Uu Eden Hazard
Warbixin cusub oo uu soo saaray bogga arrimaha suuqa takhasuska ku ah ee Transfermarkt ayaa lagu sheegay in garabka weerar ee kooxda Real Madrid ee Eden Hazard uu hadda u qalmo wax ka yar 30% lacagtii uu ugu biiray kooxdaas sanadkii 2019.
- Advertisement -
Xiddiga ree Belgium ayaa ahaa mid aad u nasiib xun tan iyo markii uu ku biiray Real Madrid isaga oo dhibane usoo ahaa dhaawacyo is-daba joog ah kuwaas oo keenay inuu qiimihiisa suuqu si joogto ah hoos ugu dhaco.
Hazard oo 30 sano jir ah ayaa bishii June ee sanadkii 2019 heshiis 89 Milyan oo Pound ah isla markaana ugu dambayn 130 Milyan oo pound gaadhi kara ugu wareegay Estadio Santiago Bernabeu.
Laakiin dhaawacyo kala duwan ayaa ka dhigan in Hazard uu soo ciyaaray kaliya 36 kulan oo kamid ah 90 ciyaarood oo ay kooxdiisu soo ciyaartay tan iyo imaatinkiisii taas oo ka dhigan inuu hadda suuqa kaliya 36 Milyan oo pound ka joogo sida Transfer Markt lagu sheegay.
Dhawaan ayay ahayd markii uu mid kamida shaqaalaha caafimaadka ee Atletico Madrid oo wax laga weydiiyay arrimaha dhaawaca Hazard ee canqawga ka haysta ay yihiin kuwo ku qasbi kara inuusan abid mar dambe dib u ciyaarin kubadda cagta haddiiba qaliin kale lagu sameeyo.
Sidoo kale Hazard ayaa dhibane usoo noqday dhaawacyo muruqa ah mudadii uu joogay Real Madrid waxaana ay xidhiidh la leeyihiin uu keenaya dhaawaca canqawga ee kusoo noq-noqonaya.
Walow uu dhaawaciisu wer-wer galin doono xulkiisa Belgium oo haatan isaga la’aantii ciyaaraya isla markaana uu kusoo wajahan yahay tartanka euro, Real ayaa in badan ka wer-weri doonta qiimaha suuqa ee hoos uu uga dhacay.
Hazard ayaa ah ciyaaryahanka haatan ugu mushaharka badan Los Blancos waxaana uu kaliya ka dambeeyaa Gareth Bale uu wakhtigan amaah ugu maqan Tottenham.