Jaahilnimo Mise Qalad? Weeraryahanka Xulka

Xulka qaranka Cameroon ayaa si fajaciso iyo layaab noqotay liiska qarankooda uga qayb galaya kulamada caalamiga ah ee bishan uga reebay weeraryahanka Bayern Munich ee Eric Choupo-Moting.

- Advertisement -

Cameroon ayaa waayaysa Choupo-Moting oo ah kabtankeeda kulamada ay la ciyaarayaan Rwanda iyo Cape Verde ee ka tirsan isreeb-reebka loogu soo baxayo koobka qaramada Africa ee sanadka dambe qabsoomaya.

Choupo-Moting ayaa kamid ahaa magacyada ugu horreeya ee lagu daro liiska xiddigaha uu xulanayo tababare Toni Conceicao balse markan ayuu uga hadhayaa sabab farsamo oo layaab leh.

Sida lagu sheegay wargeyska Bild, arrinta layaabka noqotay ee Eric looga reebay liiska ayaa ah inuusan helinba farriinta marti qaadka ee loogu darayo xulkiisa.

Wargeyska ayaa sheegaya in maamulka xulku ay sameeyeen arrin qalad iyo jahli aan loo kala saari karin oo ah in farriintii ay u dirayeen ay iyagu isku direen oo ay dib ugu celiyeen akoonkooda.

Dhacdadaas iyo waxaas is daba maray ayaa noqon kara mid xulka Cameroon ku hoggaamiya inay gabi ahaaba seegaan booskooda koobka qaramada Africa.

 

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More