OCHA:-In ka badan 83,300 ayaa gudaha Soomaaliya

In ka badan 83,300 oo qof ayaa gudaha Soomaaliya ku barakacay afartii bilood ee la soo dhaafay sababo la xiriira biyo la’aan, sid uu sheegay xafiiska isku-duwidda arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay (OCHA).

- Advertisement -

Meelaha ugu badan ee ay dhibaatadu saameysey waa gobollada Gobaladda Waqooyi, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubaland, kuwaas oo laga soo sheegey “xaalado abaareed oo aad u daran iyo biyo la’aan”.

Dhibaatadan “waa xusuusin adag oo aan si deg deg ah ugu baahanahay xalal horumarineed oo waara oo muddo dheer soconaya si loo buuxiyo howlaha bani’aadamnimada loona wajaho sababaha keena dhibaatooyinka cimilada ee ku soo noqnoqda Soomaaliya,” ayuu yiri isku-duwaha arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Adam. Abdelmoula, oo ku saxiixan bayaanka.

OCHA ayaa saadaalisay in ugu yaraan 3.4 milyan oo qof ay saameyn ku yeelan karto sanadkan biyo la’aanta ka jirta Soomaaliya

“2021, waxaan fileynaa biyo yaraanta in ay kordhiso halista ka dhalata cudurada faafa sida shuban biyoodka ba’an, kordhinta u nuglaanshaha dadka horeyba halista ugu jiray ayna uga sii darto cunno yarida,” ayuu ka digay Abdelmoula.

Sida laga soo xigtay NGO-ga Save The Children, 70% qoysaska ku nool Soomaaliya ma helaan biyo nadiif ah “kumanaan caruur ah ayaa hada ku tiirsan biyo dhaamis deg deg ah iyo ceelal aan la ilaalin ama waxaa ay ku qasbanaadeen in ay guryahooda ka baxaan iyagoo biyo raadinaya”.

Isku-duwaha bani’aadamnimada wuxuu carrabka ku adkeeyay in xaaladdu ay “ku adag tahay haweenka iyo carruurta, gaar ahaan gabdhaha”

Tobankii sano ee la soo dhaafey, helitaanka iyo adeegsiga biyo nadiif ah iyo fayadhowr ayaa si weyn uga soo hagaagey Soomaaliya, sida uu sheegtay UN-ka.

In ka badan kala bar dadka Soomaaliyeed waxa ay heleen helitaanka biyo nadiif ah 2019, marka loo barbardhigo 20% sanadkii 2010, laakiin “inkasta oo horumarkaas la sameeyay, wax badan ayaa dhiman in la qabto,” ayay raacisay OCHA hadalkeeda.

Soomaaliya waxa ay ku nooleyd xaalad dagaal iyo fowdo tan iyo 1991, markii la afgambiyay madaxweynihii hore Maxamed Siyaad Barre, taasoo keentay in dalka uusan helin dowlad tayo leh isla markaana uu ku jiro gacanta dagaalyahano hubaysan iyo hogaamiye kooxeedyadii.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More