Deni & Qoor-Qoor oo kawada hadlay khilaaf soo kala

Magaalada Muqdisho waxaa xalay ka dhacay kulan abaabulkiisa kasoo bilawday Xildhibaanno & Senataro kasoo jeeda Dowlad Goboleedyada Puntland & Galmudug oo ugu dambeyn isu gacan-geliyay Siciid Deni & Axmed Qoor-Qoor oo is khilaafsanaa.

Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u sheegay in saacadihii lasoo dhaafay Muqdisho lagu qabtay kulamo looga hadlayay sidii la isugu keeni lahaa Madaxda Dowlad-Goboleedyada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni & Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Sida Axadle ay heshay, xogta khilaafka waxa uu sii xoogeystay kaddib hadal jeedintii Deni 22-kii Febaraayo 2021 uu ka jeediyay Garoowe oo muddo saacad ka badan ka hadlayay arrimaha siyaasadda si gaar ah Shirkii Dhuusamareeb (4).

Qoor-Qoor ayaa aad u dhibsaday hadallada qaar, maadaama uu lahaa martigelinta Madaxda Federaalka & Dowlad Goboleedyada, u kala dab-qaadista Farmaajo, Deni & Axmed Madoobe oo muranka ka dhashay is qab-qabsigooda ugu dambeyn lagu kala tagay.

Labada Madaxtooyada ayaa ka aamustay faah-faahinta waxyaabaha sida gaarka ah ay ku heshiiyeen labada dhinac, balse ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay in is afgarad uu dhexmaray Siciid Deni & Axmed Qoor-Qoor.

Kulamada labada dhinac ayaa sii soconaya ilaa inta ay kasoo saarayaan warsaxaafadeed lagu muujinayo waxyaabaha ay ka heshiiyeen labadaan madaxweyne Goboleed ee khilaafkooda ay ku baxeen Xildhibaannada & senatada ku metala Federaalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More