Muxuu Ahaa Rekoodhka Cajiibka Ah Ee Uu Da’yarka

Da’yarka daafaca midig ee kooxda Barcelona ee Sergino Dest oo xilli ciyaareedkiisii koowaad ku qaadanaya kooxdaasi ayaa xalay qayb ka ahaa ciyaaryahanadii xasuuqay gool dhalineed u geystay dhigooda Real Sociedad kulan ka qabsoomay gegida Anoeta Stadium.

- Advertisement -

Barcelona ayaa samaynaya cadaadis xilli dambe ah oo ay ku doonayso inay ku guuleysato horyaalka La Liga iyaga oo soo badiyay shantii kulan ee ugu dambeeyay ee ay horyaalka ka ciyaareen.

Guushaas xalay ay Barca 6-1 kusoo gaadhay ayaa mid khaas ah u ahayd da’yarka Sergino Dest kaas oo kulankiisii afraad ee xidhiidh ah ugu soo bilawday Barcelona isla markaana laba gool soo dhaliyay.

Dest ayaa rekoodhka uu xalay dhigay uu yahay inuu noqday xiddigii ugu horreeyay ee kasoo jeeda dalka Maraykanka ee laba gool ka dhaliyay kulan La Liga ah.

Dest ayaa xalay ciyaaray 84 daqiiqo, kaliya ma uusan soo dhalinin laba gool balse waxa uu sidoo kale dhammaystiray 91% kamida baasaskii uu dhiibay isaga oo saddex goysmo sameeyay.

Shaxda cusub ee uu dhawaan kooxda ka hirgeliyay tababare Koeman ee ah saddexda daafac dhexe ayaa ah mid Sergino siisay xoriyad badan oo uu weerarka kaga qayb qaato iyadoo sidoo kale ka yaraynaysa masuuliyada daafaca ka saarnayd.

 

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More