Muhiimada Shirka jaraa’id ee Wasiir Dubbe

Muhiimada Shirka jaraa'id ee Wasiir Dubbe

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada xilgaarsiinta Soomaaliya Cusmaan Abuurkar Dubbe oo ka hadlay maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in shirka uu xalay iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo uu ka dhacayo teendhada Afisiyooni ee ciidamada cirka.

Shirkan oo la qorsheeyay in la qabto 22ka bishan ayaa loogaga hadlayaa arrimaha doorashooyinka waxaa shirkan qaban qaabadiisa ku howlan Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya sida uu sheegay Wasiir Dubbe.

“Xataa haddii badda dhexdeeda lagu shirayo waan tageynaa,” ayuu Cismaan Abuukar Dubbe ka yiri, isaga oo ka hadlaya shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Wasaaradda Warfaanta ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Hadalka Dubbe ayaa kusoo hagaagaya xilli dhowaan lagu waddo in uu Teendhada Afasiyooni ee magaalada Muqdisho uu ka bilowdo shir u dhaxeeya dowladda iyo maamulada kaasoo looga hadlayo khilaafka doorashooyinka sanadka 2020-21

Shirkiisa jaraa’id ayuu sidoo kale wasiir Dubbe uu ku sheegay in la bilaabayo tallaalka cudurka Covid 19 iyadoo macalimiinta dugsiyada laga talaali doono cudurka safmarka ah isla markaana muddo laba todobaad ah lagu kordhiyay xirnaashaha goobaha Waxbarashada oo horey laba isbuuc loogu xiray, sababo la xiriira cudurka halista ah ee COVID-19.

Dhanka kale, wasiirka ayaa si dadban wuxuu u weeraray Isbaheysiga ay ku dhawaaqeen maamuladda Puntland, Jubaland, afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah iyo Midowga Musharaxiinta madaxtinimadda.

“Waxaan runtii aad uga xunahay in iyaddoo dalku aadeyo doorasho ay siyaasiyiinta qaar ku mashquulaan in ay sameeyaan isbaheysiyo – isbaheysiyadaas oo ah doorasho la dirir. Isbaheysiyada doorasho la dagaalanka ahi ama doorasho diidka ahi waxay nagu celinayaan jid qaldan iyo jid dib-u-dhac,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay khilaaf ku saabsan halka shirka uu ka dhacayo iyada oo magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin madaxda maamul goboleedyada dalka marka laga reebo madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxmed Laftagareen howlo caafimaad dalka Turkey ugu maqan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More