Joe Cole Oo Qiimeeyey Fursadaha Chelsea, Man Metropolis
Halyeygii kooxda kubadda cagta Chelsea ee Joe Cole ayaa qiimayn ku sameeyey fursadaha ay hanashada Champions League u haystaan kooxaha horyaalka Premier League ee Chelsea iyo Liverpool.
Isku-aadka wareegga siddeedda ee maanta la shaaciyey ayaa waxa isku beegmay Liverpool oo sannadkii 2019kii ku guuleystay Champions League iyo Real Madrid oo saddexdii sannadood ee kasii horreeyey si xidhiidh ah u hananaysay koobkan, waxaana ciyaartani ay leedahay xasuus weyn oo ah in ay abuurantay colaaddii Reds iyo Los Blancos ee uu sababta u ahaa dhaawacii uu Sergio Ramos u geystay Mohamed Salah oo uu xataa ka qadiyey Koobkii Adduunka 2018.
Jurgen Klopp ayaanay kooxdiisu wax rajo ah ka qabin horyaalka iyadoo 25 dhibcood ka dambaysa Manchester City oo hoggaanka haysa, sidoo kalena kaalinta lixaad kaga jirta miiska kala-sarraynta, mana jirto fursad kale ama koob kale oo ay u tartamayaan oo aan ahayn Champions League.
Chelsea ayaa iyaduna kaalinta afraad soo gashay intii uu tababaraha u ahaa Thomas Tuchel oo beddelay Frank Lampard, waxaana wareegga siddeedda Champions League ay la ciyaari doonaan FC Porto.
Kaddib isku-aadka, Joe Cole ayaa qiimayn ku sameeyey fursadaha ay labadan kooxood u haystaan hanashada Champions League, waxaanu hoosta ka xariiqay in ay leeyihiin awooddii ay koobka ku qaadan lahaayeen.
Cole oo ka hadlayay telefishanka BT Sports ayaa sheegay nasiibka ay kooxdiisa hore ee Chelsea u yeelatay in ay ku beeganto FC Porto, waxaanu yidhi: “Qof walba wuxuu doonayay inuu ku beegmo Porto oo soo garaacday Juventus oo liidatay.
“Porto waxay muujisay isku-duubnaan, waxay u ciyaarayaan sida Atletico Madrid oo kale, waxaana bandhig cajiib ah muujinaya Pepe oo 38 jir ah. Laakiin marka la eego natiijooyinka wanaagsan ee Chelsea iyo kooxda wanaagsan ee ay haystaan, waxay ila tahay in Blues ay soo gudbayso, aadna way ugu faraxsan yihiin isku aadkan, hubaashii.”
Joe Cole oo kusii dhowaanaya qiimaynta fursadda Chelsea u haysato inay ku guuleysato Champions League, waxa uu yidhi: “Intii uu Tuchel joogay, waxay u muuqdaan koox adag, waxay muujinayaan wada-jir, taasina waa muhiim. Waxay haystaan kooxda labaad ee ugu wanaagsan horyaalka Premier League, waxay ku jiraan qaab wanaagsan, sidaa darteed meesha lagama saari karayo. Waxay ila tahay in ay yihiin kooxda labaad ama saddexaad ee ugu cadcad ku guuleysaiga Champions League.”
Intaas kaddib waxa uu u galay Liverpool, waxaanu yidhi: “Iyagana lagama saari karayo saaxadda. Haddii aad eegto isku-duubnaantooda, waxay garaaci karayaan koox walba.
“Waxay fursadahooda ka raadsan doonaan Real Madrid oo kala-daadsan. Waa kooxdii hore ee Real Madrid. Waxay ila tahay in aanay wax khatar ah oo weyn la kulmi doonin Liverpool, iyada ayaa ah kooxda khatarta badan leh balse waxay u baahan yihiin isku-duubni.”
Ugu dambayntii waxa uu soo qaaday kulanka Man City iyo Borussia Dortmund, waxaanu sheegay in Pep Guardiola uu ku beegmay koox da’yar ah oo haysata laacibiin aan baqanayn oo uu hormood u yahay Erling Haaland oo ah dhaliye cajiib ah, waxaase uu niyad-samaan fiican ka muujiyey in City ay soo gudbi doonto.