Jubbaland:-Xildhibaan u geeriyooday xanuunka Covid-19.
AUN Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish oo ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Jubbuland ayaa khamiista maanta ah xanuunka Coronavirus ugu geeriyooday, magaallo madaxda gobolka Jubbada hoose ee Kismaayo.
Xildhibaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanayay magaaladda Kismaayo ka dib markii uu soo ritay safmareenka khatarta badan ee Covid19.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid AUN Marxuum Cabdi Xasan Xiish oo kaalin muhiim ah ku lahaa dhismaha Jubaland.
Halkaan ka aqri qoraal ka soo baxay madaxtooyada.
MADAXWEYNAHA OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA XILDHIBAAN CABDI XASAN XIISH
Muqdisho, Maarso 18, 2021-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed , geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish oo ku geeriyooday Magaalada Kismaayo isagoo maalmahii lasoo dhaafay uu soo ritay xanuunka #Covid19.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Cabdi Xasan Xiish uu kaalin muhiim ah ku lahaa Dowladnimada Jubaland isagoo ka soo shaqeeyay heerar kala duwan sidoo kalana mar walba u taagnaa Midnimada Bulshada.
“Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish wuxuu ahaa shaqsi Alle ka cabsi leh oo mar walba u taagnaa sidii loo xoojin nidaamkeena Dowladnimo isagoo labo mar oo hada ay u danbaysay ahaa Xildhibaan intii uu shaqadan hayayna ku suntanaa xilkasnimo” ayuu yiri Madaxweynahu.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Jubaland ee uu ka baxay.
DHAMMAAAD.