Haddii Soomaaliya ay ku guuleysato Dacwadda Badda, Kenya waxa ay lumin…

Sida ay Daabacday Warbaahinta Kenya, Xukuumadda Nairobi oo bannaan-joog si iskeed ah isaga dhigtay dhageysiga Gar-maqalka Dacwadda Badda waxa ay ku howlan tahay xaar-xaaridda dhabbe cusub oo ay damacsan tahay in ay marto marka uu soo baxo go’aanka Maxkamadda.

Kenya waa ay u muuqataa in ay gardaro ku doodeyso, maadaama saddex jeer cudurdaar kala duwan ku baajisay soo afjaridda Dacwadda Badda, markii afaraad oo ay isku day waa ay ka diiday Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ah ee ICJ loosoo gaabiyo.

Xukuumadda Nairobi ayaa go’aan ku gaartay in ay ka baaqsato dhageysiga maxkamadda kadib markii Maxkamadda ay u gudbisay warqadaha muujinaya in ay isaga hartay ka qaybgalka fadhiga soconaya 15-ka ilaa 24-ka Maarso 2021.

Warbaahinta Kenya ayaa dood adag ka abuurtay go’aanka Xukuumadda Kenya ay uga hartay ka qaybgalka Maxkamadda aan xukunkeeda racfaanka lahayn ee ICJ, Niyad-jabka xooggan ee heysta & meelaha ay dhumineyso marka caddeymaha milkiyadda badda gacanta Soomaaliya lagu shubo.

The Standard Media ayaa sheeko wareed kooban oo ay ka qortay kiiska badda waxa ay cinwaan uga dhigtay “Kenya oo lumin-doonto Lamu haddii Soomaaliya ku guuleysato Kiiska” waa qayb kale oo muujineysa niyad-jabka Kenya qabsaday, waxaana kasii horreeyay kalluumeysato dibadbax ka sameysay welwelka go’aankaas uu ku reebay.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in Kenya dhaqaale badan ay ku weyn doonto Xeebaha kalluunka laga helo oo ay ku nool qoysas badan, maadaama haddii kiiska guushiisa loo caddeeyo Soomaaliya dhabar-jab ku tahay.

Dagaalka ciddiyo ku dirirka ah ee Kenya ayaa waji-badan, waxa ay dhowr jeer isku dayday in ay baajiyo in la dhageysto dacwadda badda si uu u noqdo kiis furan oo aan dhammaad lahayn sida ay sheegeen qaar kamid ah khubarada dhanka sharciga ee la socda dacwaddaan bilaw ilaa maanta.

Mustaqbal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More