Sergio Aguero ayaa garaacay ciyaarta

Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero ayaa garoonka ka baxay xalay isagoo aan faraxsaneyn inkastoo kooxdiisa ay 2-0 kaga badisay Borussia Monchengladbach si ay ugu gudubto wareega 8 dhamaadka Champions League.

Waxa Aguero ku xanaaqay daqiiqado markii uu garoonka ku jiray ayaa ah in uuna kubada si fiican ugu gudbin oo uu u arkay saaxiibadiis kuwo shaki badan oo aan kubada dhaafi karin.

Sergio ayaa badal ku soo galay daqiiqadii 75-aad isaga oo badalay Bernardo Silva laakiin hal darbo oo kaliya lama duubin 15 daqiiqo ama wax ka badan garoonka.

Sida laga soo xigtay ESPN, 32 jirkan ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay mid ka mid ah tababarayaashiisa isaga oo leh “Maya aniga pasan la pelota” oo macnaheedu yahay “Kubbada ima ay soo diraan aniga”.

Warbixinta ayaa si gaar ah farta ugu fiiqday in Riyad Mahrez uu yahay laacibka si isdaba joog ah u doortay inuu kubbada laado maxaa yeelay wuxuu sameyn karaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Xiddiga reer Algeria ayaa qaab ciyaareed fiican ku jiray dhawaanahan laakiin waxa uu xalay ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto markii kubad uu tuuray ay kor martay birta ama uu badbaadiyay Sommer.

Aguero ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Barcelona isbuucyadii la soo dhaafay iyadoo qandaraaska City uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Aguero ayaa lagu yaqaan inuu saaxiib dhow la yahay kabtanka Barca Lionel Messi, madaxweynaha cusub ee Barca Joan Laporta ayaa la sheegay inuu isku dayay inuu ka dhaadhiciyo Aguero inuu ka dhaadhiciyo Messi inuu sii joogo Camp Nou.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More