Real Madrid ayaa heshay war naxdin leh maanta

Real Madrid ayaa heshay war naxdin leh maanta markii daafaca Raphael Varane uu codsaday in la iibiyo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Sida laga soo xigtay Madrids AS, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa u gudbiyay kooxda codsi ku aadan xagaagan isagoo isku dayaya inuu ka tago Bernabeu.

Wargayska ayaa intaa ku daraya in Varane uu sidoo kale codsaday in uu baxo xagaaga 2019 oo uu doonayo tartan cusub laakiin haatan waxa uu hogaaminayaa maadama uu heshiiskiisu dhacayo xagaaga 2022.

Haddii Real Madrid ay ku qasabto inuu sii joogo kooxda xilli ciyaareedka soo socda, waxay halis ugu jiraan inuu si xor ah uga tago kooxda xagaaga soo socda.

Xiddiga reer France ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Manchester United, iyadoo Manchester Evening News ay carabka ku adkeysay in Varane uu yahay bartilmaameedka ugu weyn ee Red Devils.

Varane ayaa la sheegayaa inuu ka walwalsan yahay in mushaarkiisa uu aad uga hooseeyo kan kale ee Real Madrid, xitaa kuma filna in loo balan qaado kabtanka kooxda heysata horyaalka Spain mustaqbalka.

Bishii la soo dhaafay, Marca ayaa sheegtay in Varane uusan dooneyn inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo Real Madrid.

Varane ayaa 352 kulan u saftay Real Madrid, isagoo u dhaliyay 17 gool tan iyo markii uu ku soo biiray Lens sanadkii 2011, waxaana uu kula guuleystay 18 koob, oo ay ku jiraan seddex La Liga iyo afar Champions League.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More