Muuse Biixi: Kaalmada shisheeye si ay noo caawiso

Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi, Saciid wuxuu sheegay in dowlada federaalka ay ku lug leedahay deeqaha ay ka heleen beesha caalamka mashaariic waaweynna laga fulin lahaa Gobaladda Waqooyi looga.

Muuse Biixi ayaa sheegay in waxa ay Gobaladda Waqooyi ka hesho beesha caalamka ay tahay gargaar deg deg ah, isla markaana maalgelinta mashaariicda mustaqbalka ay caqabad ku tahay dowladda Soomaaliya.

“Kaalmada shisheeye ee nala siinayo waxay u badan tahay gargaarka deg-degga ah iyo mashaariicda horumarinta tijaabada ah. “Xaaladda siyaasadeed ee haatan ka jirta dalkeenna, taasoo ay xukuumadda Muqdisho cagaha ku jiideyso, waxay caqabad ku tahay qulqulka kaalmada shisheeye ee mashaariicda waaweyn.” ayuu yiri madaxweynaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi.

Hogaamiye Biixi ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaalidu aysan kala maarmi karin, laakiin ficilada hogaamiyayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii kala fogeyneyso shacabka sida uu hadalka u dhigay.

Waxay ummadda u sheegaan in Soomaalidu aysan kala maarmi karin oo aan u baahanno walaalayaal, haddii walaalnimo ay jirto, waxaa jira nin sharaf u leh walaalkaa wuuna ku maamuusayaa.

Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi ayaa sheegay in hogaamiyayaasha dowladda Soomaaliya ay ka xun yihiin waxa ka socda Gobaladda Waqooyi.

“Markii ay Soomaaliya maqasho in Gobaladda Waqooyi lagu casuumay dal, waa wax lala yaabo cadaawadda, nacaybka iyo tallaabooyinka ay qaadayso. ayuu hoosta ka xariiqay.

“Marka dadka awooda ku leh Soomaaliya, iskaba daa inay isu keenaan Soomaalida, talaabooyinka ay qaadayaan waa kuwo aan horay uga dhicin Soomaalida.”

Muuse Biixi Cabdi, wuxuu hadalkan ka sheegay 8-da Maarso 2021-ka, hortiisa labada aqal ee baarlamaanka Gobaladda Waqooyi, wuxuuna ka hadlay khudbad-sannadeedkii 2021-ka, isagoo diiradda saaray arrimaha siyaasadda, dibadda, dhaqaalaha iyo arrimo kale. sida deeqaha caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya oo ay ku jirto Gobaladda Waqooyi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More