Lionel Messi ayaa badali kara Barcelona

Haddii uu saxiixo qandaraas cusub ama uusan saxiixin, wuxuu ku soo dhowaanayaa wax aan macquul aheyn oo ah in Lionel Messi uu ka tagayo Barcelona.

33 jirkaan ayaa cadeeyay xagaagii inuu doonayay inuu ka tago Camp Nou ka dibna wuxuu gudbiyay codsigiisa iibka.

Iscasilaada Josep Maria Bartomeu ayaa dad badan rajo gelisay in Messi uu sii joogi doono kooxda, laakiin macquul maahan in qandaraaska loo kordhiyo.

Madaxweyne cusub oo leh niyad wanaagsan ayaa ka dhaadhicin kara Messi inuu sii joogo Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Laakiin qaab ciyaareedka Ronald Koeman ee ilaa haatan xilli ciyaareedkan ayaan ku filnayn in uu ku qanciyo Messi in kooxdu ay u tartami doonto koobab mustaqbalka dhow.

Haddaba haddii Messi baxo, Barcelona ma beddeli kartaa? Waxaan eegeynaa afar ciyaartoy oo calaamadeysan.

Xiisaha ay Barcelona u qabto weeraryahanka Inter Milan waa la ogyahay xitaa ka hor inta uusan Messi dalban sii deyntiisa bishii August. 23 jirkaan waa xiddig karti badan oo isbadal weyn ku sameyn kara Barcelona maqnaanshaha Messi.

Dabcan waa dookha ugufiican ee lagu badali karo Messi madaama Barcelona muddo dheer lala xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso xiddigoodii hore. Neymar qandaraaskiisa PSG waxaa uga harsan 18-bilood, inkastoo madaxweynaha PSG Nasser Al-Khelaifi uu dhawaan shaaciyay in 28-sano jirkaan uu saxiixi doono qandaraas cusub.

Haddii la ilaawo dhibaatooyinka dhaqaale ee Barcelona, ​​xiddigaha reer Masar ayaa noqon kara xiddiga ugu fiican ee buuxiya booska Messi ee isboortiga. Waa 28 jir wuxuuna haystaa waqtigii ugu fiicnaa xirfadiisa. Salah, sida Lautaro, qandaraaskiisa Liverpool waxaa uga harsan labo sano iyo bar.

Xalka dhibaatada Barcelona ee Messi ayaa laga yaabaa inuu durba ku jiro gacanta Barcelona. Labadii xilli ciyaareed ee uu ku jiray kooxda koowaad, Ansu Fati wuxuu muujiyay tayadiisa cajiibka ah. Dhaawac ayaa caqabad ku noqday xilli ciyaareedkiisa laakiin wax badan ayaa laga filayaa wiilka yar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More