Real Madrid ayaa badisay kulankeedii lixaad oo xiriir ah
Real Madrid ayaa hogaanka La Liga u qabatay Atletico Madrid ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen Granada ciyaar ka dhacday Alfredo di Stefano, guushoodii lixaad oo xiriir ah.
Los Blancos ayaa ku guuleysatay goolka Casemiro ee 6200-aad ee La Liga iyo Karim Benzema oo dhaliyay goolkiisii labaad ee waqtigii dhimashada, laakiin guusha waxaa hareeyay dhaawac soo gaaray Rodrygo oo casaan qaatay.
Ciyaarta ayaa si dhaqso leh ku bilaabatay iyadoo Granada ay ku dhawaatay inay hogaanka qabato ilbiriqsiyadii ugu horeeyay markii Soldado uu shabaqa ku taabtay Puertas laakiin kubada ayaa ka soo booday birta.
Daqiiqado ka hor inta uusan Benzema fursad fiican helin, wuxuu hogaanka u dhiibi lahaa Los Blancos laakiin darbadiisa ayaa waxyar ka baxsan birta goolka.
Nus saac markii ay ciyaarta socotay, Carvajal iyo Varane ayaa fursado xiriir ah u abuuray Real Madrid iyadoo daafaca midig laga hor istaagay ka hor inta uusan ciyaaryahanka khadka dhexe gurigiisa aadin.
38 daqiiqo Real Madrid masiibo la’aantii Rodrygo ka dib dhaawac halis ah oo uu ka qabay markii uu is fidiyay waxaana lagu badalay Marco Asensio.
Qeybtii labaad markii dib la isugu soo laabtay Real Madrid ayaa hoggaanka la wareegtay daqiiqaddii 56aad markii Marco Asensio uu birta garaacay. Waxay noqon laheyd guul qurux badan laakiin birta ayaa beenisay.
Daqiiqadii xigtay, Goolhayaha Granada Valverde ayaa kubad halis ah uu badbaadiyay markii Los Blancos ay muujisay xawaare aad u sareeya.
Real Madrid ayaa ugu dambeyn heshay wixii ay raadineysay daqiiqadii 58-aad. Asensio ayaa soo dhigay boos cajiib ah Casemiro ayaana madaxa la galay isagoon fursad siinin Silva.
Casemiro ayaa dhaliyay 6200 gool oo Real Madrid ay ka dhalisay La Liga. Xiddiga reer Brazil ayaa goolal dhaliyay seddexdii kulan ee ugu dambeysay ee uu ku ciyaaray gurigiisa.
Laba daqiiqo kadib goolka, Granada ayaa isku dayday inay jawaab ka bixiso laakiin waxaa ka badbaadiyay Courtois oo hor istaagay fursada halista ah ee Puerta.
Karim Benzema ayaa dhaliyay goolka labaad ee ciyaarta waqtiga dhimashada daqiiqadii 4-aad ee waqtiga dheeriga ah.
Ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 2: 0 ay Los Blancos kaga adkaatay Granada.