Horudhaca Kulanka Chelsea vs West Ham iyo Lampard Oo Isbeddelo Sameeyey
Chelsea ayaa ku martigelin doonta West Ham United garoonka Stamford Bridge iyagoo raadinaya guul ay gaaraan ciyaartoydooda ka hor dabaldega ciida Masiixiga, taasoo hadii ay xaqiijiso u muuqata inay ka soo kabsaneyso guuldarooyin is xigxigay.kaas oo sabaabay in ay ka gudbi kariwayaan 22 dhibcood, maadaama ay fursad u heleen inay hoggaanka ku qabsadan Liverpool.
Tababare Frank Lampard ayaa ciyaarta ku bilaabay xiddiga khadka dhexe ee Jorginho kaas oo badalay Kai Havertz, isaga iyo Kante iyo Mason Mount.
Christian Pulisic, Timo Werner iyo Tammy Abraham ayaa dhamaantood safka ku jira, Olivier Giroud ayaa keydka fadhiya isagoo rajeynaya inuu bedel ku soo galo.
Hakim Ziyech kuma jiro safka koowaad ee Chelsea ama keydka, laakiin wuxuu wali la dhibtoonayaa dhaawac muruqa ah, laakiin Hudson-Odoi oo taam ah ayaa sidoo kale keydka fadhiya.
Daafacyada Thiago Silva iyo Kurt Zouma ayaa markale lagu kubilaabay, laakiin Azpilicueta ayaa badalay James, halka Chilwell uu booskiisa ilaashaday.
Si kastaba ha noqotee, West Ham United waxaa ka maqan weeraryahankooda Michail Antonio oo dhaawacan, iyadoo Haller iyo Bowen ay safka hore ku jiraan, iyagoo rajeynaya in Fornals iyo Soucek ay kubbada dhiibtaan si ay u dilaan rajada Chelsea ee ah inay dib ugu soo laabato wadada guusha.
Shaxda rasmiga ah ee labada koox
CHELSEA XI: Mendy, Azpilicueta, Zouma, Silva, Chilwell, Kante, Jorginho, Werner, Mount, Pulisic, Abraham.
Kaydka: Arrizabalaga, Rudiger, Christensen, Kovacic, Giroud, Hudson-Odoi, Gilmour, Havertz, Emerson.
WEST HAM XI: Fabianski, Coufal, Balbuena, Ogbonna, Creswell, Noble, Rice, Soucek, Fornals, Haller, Bowen.
Kaydka: Martin, Randolph, Yarmolenko, Benrahma, Snodgrass, Dawson, Diop, Fredericks, Johnson.