72 jir garsoore Isbaanish ah
Garsooraha reer Spain ee Marc Juan Andujar Oliver ayaa si aad ah loo xushmeeyaa isagoo u sheegay hadii Real Madrid lagu ciqaabayo rigoore kulankii Talaadadii ay 3-1 kaga badiyeen Eibar.
Los Blancos ayaa ku guuleysatay ciyaarta seddex gool oo ay kala dhaliyeen Karim Benzema, Luka Modric iyo Lucaz Vazquez halka dhacdadii ugu muranka badneyd uu sameeyay kabtan Sergio Ramos.
Xiddigaha Eibar ayaa ku booriyay garsooraha inuu bixiyo rigoore ka dib markii Yoshinori Muto madaxiisa uu ku dhacay gacanta Ramo.
Garsoore Jose Luis Munuera ayaa go’aansaday inuusan qaadan rigoore madaama cayaartu wali nooshahay isla markaana ay barbaro 2-1 ah ku noqon karto Eibar
Juan Andujar Oliver oo wareysi siiyay MARCA dhacdadan ayaa sheegay in Eibar ay ahayd inuu helo rigooradii saxda ahayd isla markaana sharciga ciyaarta uu suurta galiyay in Sergio qaldamo.
Andujar ayaa yiri: “Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid wuxuu dhaqaajiyay jirkiisa iyadoo canqawgiisa uu xayiray kubadii Muto wuxuuna buuxiyay booska udhaxeeya goolka iyo kubada. Eibar waxay aheyd inuu helo rigoore.”