Dib u dhac Ku yimid shirkii IGAD uga furmi lahaa Jabuuti! –

Shirkan oo ay isugu imaanayaan waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa lagu waday inuu maanta si rasmi uga furmo Jabuuti balse ilaa haatan ma jiro wax shir ah halkaasi oo ka furmay goobta loogu talagalay in uu ka furmo shirkaasi.

- Advertisement -

Sababta did u dhaca ayaa lagu sheegay in ay dib u dheceen qaar ka mid ah hogaamiyayaasha ka qeyb galeysa shirka.

Hase yeeshee waxaa la sheegayaa in hogaamiyayaasha haatan ku sugan Jabuuti ay ku jiraan kulamo gaar-gaar ah.

Madaxada ilaa haatan Jabuuti gaartayna waxaa ka mid ah Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya Farmaajo iyo Kenyatta, raysal-wasaareyaasha Itoobiya iyo Suudaan Abiy Axmed iyo Caballa Xamduuk.

Shirkan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya kaas oo maalmihii dambe sare u sii kacayay iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay horay u sheegtay in IGAD ay u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More