Saraakiil lagu dilay qarax ka dhacay Gaalkacyo! – Axadle

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo goordhow ka dhacay magaalada Gaalkacyo, qeybta Maamulka Galmudug, kaddib markii qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay afaafka hore ee garoonka Cabdullaahi Ciise oo lagu soo dhoweynayay Raysul Wasaare Rooble.

- Advertisement -

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay ku geeriyoodeen saraakiil ciidan iyo askar ku sugneyd garoonka, xilli uu socday sugida amniga.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in Saraakiisha ku dhintay qaraxa ay ka mid ah Taliyihii Qeybta 21aad ee Ciidanka xoogga dalka, Taliyaha Ciidanka Danab, kuxigeenkiisa iyo Guddoomiyihii hore Gobolka Mudug.

Wariyeena gobolka Jabriil Cismaan Cilmi ayaa ku soo waramaya in aan xog balaaran laga heli Karin goobta qaraxu ka dhacay maadaama ay xireen ciidanka amaanka Soomaaliya.

Jabriil ayaa intaasi ku daray in goobta qarax ka dhacay ay Raysul wasaare Rooble iyo Hogaamiye Qoor qoor u jireen.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa Kontarool lagu baarayay dadka galaya gudaha garoonka.

Agaasimaha warfaafinta Xafiiska Raysul wasaaraha Liibaan Cabdi Cali oo la socda wafdiga Wasiirka 1 aad ee Xukumadda ayaa beeniyay in qaraxa lala eegtay Raysul wasaare Rooble.

“Qarax ayaa ka dhacay afaafka garoonka Cabdullaahi Ciise ee Gaalkacyo halkaas oo dad lagu baarayay. Khasaare ayaa jira. Falkan argagixiso waxa uu dhacay intii aan kolonyada Raysul Wasaaruhu galin magaalada. Waa been in kolonyada la beegsaday” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid kacsan, waxaa jahwareer galay goobtii lagu soo dhoweyn lahaa Raysul Wasaaraha.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More