Pakista oo Imaaraatka kala hadashay ka saarista Liiska
Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan Makhdoom Shah Mahmood Hussain Qureshi ayaa la kulmay Sheikh Mohammed Bin Rashid Al-Maktoum oo ah Adeegaha Raysul wasaaraha Imaaraadka, madaxweyne ku-xigeenka iyo wasiirka difaaca.
Waxa uu kala xaajooday Liiska Xukuumadda Dubai ay kusoo saartay 13-ka Dal ay ka joojisay in ay siiso Dal ku galka Imaaraatka (Visa) si wax looga badalo go’aankaas iyada oo lagu dheelitirayo xiriirka labada dhinac.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan oo Khamiistii tagay Dubai ayaa sheegay in Muwaadiniinta dalkiisa ay u shaqo tagaan Isu tagga Imaaraatka Carabta, go’aanka looga joojiyay dal ku galkana uu saameynayo.
“Qureshi waxa uu wadahadalkiisa ku qotomay xoojinta xiriirka walaaltinimo, kan ganacsiga, maalgelinta, Beelaha iyo qodobo kale, Wasaaradda Arrimaha dibadda sidoo kale waxa ay dhiggeeda Dubai kala xaajootay Qurbo joogta Pakistan” Sidaasi waxaa lagu yiri war laga soosaaray kulanka.
Muwaadiniinta Pakistan Imaaraatka waxa ay uga dhigan tahay dalka labaad oo ay ku badan yihiin, waxaana booska koowaad galay Boqortooyada Sacuudiga, iyaga oo qabta adeegyo kala duwan sida ku cad diiwaanka shaqadooda oo gacanta ay ku heyso Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
November 2020, dadka Pakistan oo tiro ahaan lagu qiyaasay 1.5 Milyan oo ayaa dalkeeda u diray lacag dhan $519.5 Milyan, waxa ay u dhigantaa 22% lacagaha ku dhacday Koontada Bandhiga dhexe.
Sacuudiga oo ah dalka koowaad oo ay ku badan yihiin Muwaadiniinta Pakistan waxaa lacagta laga xawilay eek u dhacday Bangiga Dowladda Bishii November 2020 ay gaartay $615.1 Milyan sida ku cad daraasad dabagal ah oo lagu sameeyay.
Xukuumadda Imaaraatka ayaa 18-kii November 2020 si lama filaan ah u joojisay in fiisooyinka dalkaas la siiyo Muwaadiniinta 13-waddan Sababo Amni awgeed waxaana ay kala yihiin: Algeria, Iran, Iraq, Kenya, Lebanon, Libya, Pakistan, Somalia, Syria, Tunisia, Turkey & Yemen.
Isha: Aljazeera / Axadle.