Zinedine Zidane ayaa magacaabay weeraryahan Karim Benzema
Karim Benzema ayaa cadeeyay inuu u qalmo Real Madrid isla markaana uu badbaadiye u ahaa markii uu dhaliyay labo gool ciyaartii Talaadadii ay 3-1 kaga badiyeen Athletic Bilbao, taasoo ka dhigeysa inay hogaanka La Liga u hayaan Atletico Madrid iyo Real Sociedad.
Real Madrid ayaa kula dagaallantay ciyaartii Bilbao toban nin kadib markii xilli hore casaan la siiyay Raul Garcia, laakiin waxay u ahayd habeen wanaagsan Karim Benzema inuu taariikh sameeyo.
Wadahadal uu la yeeshay warbaahinta ciyaarta ka dib, tababare Zinedine ayaa u magacaabay Zidane Benzema weeraryahanka ugu fiican taariikhda Faransiiska.
Markii la weydiiyay haddii Benzema uu yahay weeraryahanka ugu fiican Faransiiska, Zidane wuxuu ku jawaabay: “Haa, feker ahaanteyda waa isaga.
“Waxay muujisay taas muddo dheer oo joogtay Real Madrid.
Wuxuu ciyaaray in kabadan 500 oo kulan, wuxuu dhaliyay goolal ugu dambeyntiina waa iska hadlayaa.
Aniga ahaan waa (weeraryahanka ugu fiican). Waa wax aan la dhihi karin.
Benzema ayaa ku raaxeysanaya xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa tan iyo markii uu Cristiano Ronaldo ka tagay Real Madrid 2018, wuxuuna ku amaanay Zinedine Zidane saameynta uu ku yeeshay kooxda iyo sida uu u qaatay masuuliyada kooxda guud ahaan.
“Waa ciyaaryahan aad u guuleysan, isagu ma ahan lambar 9 toosan, umana maleynayo inuu kaliya goolal dhalin karo waana sababta aan u jeclahay isaga” ayuu yiri Zidane
Real Madrid isbadal badan kuma sameynin kulankii Athletic Bilbao xalay, iyadoo Zidane uu yiri: “Dadku waxay ka hadlaan wax walba oo aan sameeyo. Laakiin waa inaan qabtaa shaqadeyda, qof walba wuxuu doonayaa inuu ciyaaro, waxa ugu muhiimsan waa inaan sii wadno waxa aan sameyneyno”