Muhiimadda heshiiska ay gaareen Kenyatta iyo Muuse Biixi. –

Hogaamiyaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha Jamhuuriyada iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Gobaladda Waqooyi, Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku xusan yihiin arrimo ay ku heshiiyeen.

- Advertisement -

Labada mas’uul ayaa sheegay in ay isku waafaqeen iskaashi ay ku raadinayaan nabadda gobolka, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada labada dhinac.

“Intii uu socday wadahadalka labada hoggaamiye waxa ay si wadajir ah diiradda u saareen ballaarinta xiriirkooda ganacsi, xoojinta wadashaqeynta gaadiidka dhinaca hawada, taasoo horseedeysa in la billaabo duullimaadyo toos ah oo u dhaxeeya magaalooyinka Nairobi iyo Hargeysa.” Ayaa lagu yidhi bayaanka.

Waxa ay labada madaxweyne ugu dambeyn amar ku siiyeen mas’uuliyiinta xafiisyadooda in ay hirgaliyaan shan qodob oo ay isla meel dhigeen, kuwaas oo kala ah:

Xoojinta wadaxiriirka shacabka Kenya
Sare u qaadista isdhexgalka, ganacsiga iyo maalgashiga
Adkeynta wadashaqeynta dhinaca amniga iyo isla wadaagidda xogaha sirdoonka si wax looga qabto falalka argagixisada, burcadnimada internet-ka iyo dambiyada ay ku kacaan kooxaha laga soo abaabulo dibadda
Xoojinta wadashaqeynta ku aadan arrimo kala duwan, oo ay ku jiraan horumarinta Beeraha, Xoolaha nool, Waxbarashada, Tamarta iyo gaadiidka
Sameynta tababarro iyo dhisitaanka xirfadaha bulsho

Sida ku xusan war murtiyeedka wadajirka ah, labada hoggaamiye ee ku kulmay Nairobi waxa ay hoosta ka xariiqeen afar arrimood oo waqti cayiman lagu dhaqaaqyo, si loo muujiyo saameynta wadashaqeynta.

In Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ilaa dhammaadka bisha March ee sanadka 2021-ka. Muddadaas gudaheedana Gobaladda Waqooyi waxay sii horumarineysaa howlaha xafiiskeeda Nairobi.
In Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha nooceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos isaga kala gooshada Nairobi iyo Hargeysa meeshii loo gaaro dabayaaqada bisha March ee 2021-ka.
In saraakiisha sar-sare, oo liiskooda lasoo gudbinayo, ay dal ku galka ku qaataan gudaha Kenya marka ay u soo safraan, taasoo la hirgalinayo ilaa dhammaadka bisha March ee 2021-ka.
In saraakiisha sar sare ee Kenya iyo Gobaladda Waqooyi ay isku waafaqaan xogta iyo waqtiga la hirgalinayo barnaamijyo isweydaarsi ah oo lagu hormarrinayo Xirfadleyda beeraha, Ardayda, Dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha iyo xirfadleyaasha kale.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More