Shirka Amniga Doorashooyinka oo Muqdisho ka furmay! –

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ahna Guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka guddiga amniga doorashooyinka qaranka ee 2020/2021, kaasi oo ka socda xarunta Xalane ee garoonka Aadan Cadde.

- Advertisement -

Shirkaan oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka qaranka ayaa  waxaa ka qeyb-galaya, Xubno ka kala socdo xafiisyada madaxweynaha,Raysul wasaaraha,Xoogga dalka,taliyaasha Ciidamada booliska dowlad goboleedka dalka ,wasaaradda amniga gudaha,mas’uuliyiinka ka socoto Qaramada Midoobay & AMISOM.

Shirka oo muddo saddex maalin ah socon doona ayaa waxaa lagu falanqeyn doonaa Amniga doorashooyinka, gaar ahaan qorshayaasha la soo diyaariyay sida nidaamka Maamulka ,miisaaniyadda iyo tababarida ciidamada ee sugida goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

Taliyaasha Ciidamada Booliska dowlad goboleedyada dalka ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qeyb-galaan shirkaan waxaana furay soona xiri doono taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Dowladda Soomaaliya ayaa sii wada qorshaha hirgalinta doorashooyinka dalka waxaana diidan qaabka ay wax wado xubnaha midowga musharixiinta Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More