Itoobiya: Kolonyadii ugu horreysay ee gargaarka ah oo
Kolonyadii gargaarka ee ugu horreysay oo sidda dawooyin iyo sahay gargaar ayaa gaartay magaalada Mekelle, caasimadda gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, sida uu sheegtay guddiga caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC).
- Advertisement -
Bayaan ay soo saartay Sabtidii, ICRC waxa ay ku sheegtay in kolonyada gawaarida ah oo ka socda kooxda fadhigeedu yahay Geneva iyo Ururka Laanqayrta Cas ee Itoobiya (ERCS) loo diray gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya.
Toddobo baabuur oo ay leedahay Laanqayrta Cas ayaa dawooyin iyo qalab caafimaad gaarsiiyay 400 oo dhaawac ah iyo sidoo kale sahay gargaar. Qalabkan waxaa loogu deeqi doonaa Isbitaalka Ayder, Xafiiska Caafimaadka Gobolka, iyo farmashiyaha ERCS ee magaalada Mekelle.
“Waa gargaarkii ugu horreeyay ee caalami ah ee la gaarsiiyo Mekelle tan iyo markii dagaalku ka qarxay Tigray in kabadan hal bil kahor,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Baabuurta gargaarka ayaa ku guuleysatay in ay soo galaan gobolka iyadoo ay socdaan baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan daah-furnaanta gargaarka.
Dagaalka u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa baxsadka ah ee dowlad deegaanka Tigray oo loo maleynayo in ay ku dhinteen kumanaan qof, oo ay ku jiraan dad rayid ah yaan wali dhamaan maadaama Saraakiisha Tegreega ay baxsadeen dhulka beeralayda ah.
Ugu yaraan hal xasuuq baaxad leh ayay diiwaangaliyeen kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha, inkastoo ay jiri karaan kuwa kaloo badan.
“Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha caafimaad ayaa lagu qasbay in ay doortaan wax aan macquul aheyn “ ayuu yiri Patrick Youssef, oo ah agaasimaha gobolka ee ICRC ee Africa, kadib booqasho uu ku tagay Addis.