“Sharciyeenka Beesha Caalamka ee Doorashooyinka DG ayaa HG
Midowga Musharixiinta ayaa Warqad cabasho ah oo ay ogeysiin siiyeen Beesha Caalamka sida: IGAD, AU, EU OIC, LAS, NORWY, UK & US waxa uu gaarsiiyay Xafiiska Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Musharixiinta ayaa warqaddooda ku caddeeyay cabashada ay ka qabaan Dowladda Federaalka, Doorka Beesha Caalamka, nidaamka Doorasho, heshiisyada siyaasiga ah ee dhacay & qodobo kale oo Amniga soo tagaya.
Warqadda Musharixiinta ayaa lagu sheegay in aysan diidaneen in dalka ay ka dhacdo Doorasho, isla markaana la dhaqangeliyo heshiiska Hogaamiyayaasha Federaalka & kuwa Dowlad Goboleedyada balse ay kasoo horjeedaan dhabbaha loo maray.
Midowga Musharixiinta ayaa qodobo dhowr ah ku dul istaagay Xasiloonida darrada ka dhalan karta nidaamka Doorashada oo la gafo ama la qabto mid aan ku imaan is wada ogol, sidaas awgeed waxa ay xildoonku ka digeen in Hogaamiyayaasha DFS lagu daawado falalka ay sameynayaan.
“Midowga Musharixiinta Hogaamiyaha Soomaaliya waxa uu walaac ka qabaa qar katuurka lagu wado Nabadda iyo Xasiloonida, Dowladda Federaalka waxa ay si aan wanaagsaneen u maamuleysaa Doorashada 20/21, taasi waxa ay sababtay walaaca” ayaa lagu yiri Warqadda la gaarsiiyay Xafiiska UNSOM.
Midowga Musharixiinta ayaa qoraalkooda kusoo koobay dhacdooyinka waaweyn ee dalka ka taagan oo ay u tiiriyeen in ay sabab u tahay Dowladda Federaalka waxaana kamid ah isku dhaca ka dhashay Hir-Shabeelle ee ka taagan Baladweyne.
Welwelka laga qabo Askarta Dowladda Federaalka ee joogta Gobolka Gedo & cabashada kasoo yeereysa hoggaanka sare ee DG Jubbaland, maadaama lagu qabanayo Doorashada kuraas kamid ah Kuwa kusoo aaday Maamulkaas.
Qodobka saddexaad warqadda la garsiiyay Beesha Caalamka ayaa ah: Digniinta Caasimadda kasoo ifbaxeysa & walaaca Saamileyda, Maalgashadayaasha, Ganacsatada, Qaybaha Bulshada, Culimada, Haweenka & Dhallinyarada.
Muranka ka taagan hab maamulka Doorashada oo Guddi u xilsaartay Xukuumadda Soomaaliya, halka Guddoomiyaha Aqalka sare uu dhankiisa magacaabay Guddi kale kana hor yimid kan Xukuumadda.
Warqadda Musharixiinta ee UNSOM loo diray
7-dii December 2020, Muqdisho waxaa ka dhacay Shirka Sanadlaha ah ee Saaxiibada Soomaaliya, inta badan khudbadaha la jeediyay waxaa diiradda lagu saaray Doorashada & Amniga dalka.
Axadle.