RW Rooble oo maanta Garoowe u tagaya la kulanka Hogaamiyayaasha DG

Magaalada Garoowe ee Xarunta DG Puntland waxaa maanta tagaya Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble & wafdi la socda, waxaana kasii horeeya Wasiiro & xildhibaanno deegaan doorashadoodu tahay Maamulkaas.

Rooble ujeedka ugu weyn ee safarkiisa Garoowe ayaa ah sidii Hogaamiyayaasha DG Puntland ula kulmi lahaa si uu kala hadlo Arrimaha Doorashada Soomaaliya oo Dowlad Goboleedkaas saluugay hab maamulka Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo shalay sii tagay Magaalada Garoowe ayaa xalay kulamo gaar gaar ah la qaatay qaybaha kala duwan ee Dowlad Goboleedkaas, Odoyaasha & Bulshada rayidka ah.

Maxamed Xuseen Rooble waa Safarkiisii labaad uu ku tago Maamul Goboleed tan iyo markii Hogaamiye Farmaajo uu u magacaabay Raysul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Magaalada Baydhabo ayuu dhowr cishe kula kulmay maamulka & qaybaha kala duwan ee Bulshada.

7-dii December 2020, waxa uu shaaciyay Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble in Safar uu ku marayo Magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo & Dhuusamareeb ee DG Puntland & Galmudug si uu ugu kuurgalo Arrimaha Doorashada 20/21.

Hogaamiyaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbad uu ka jeediyay shirkaas ku muujiyay in uusan la dhacsaneen sida Xukuumadda Soomaaliya ay u wajaheyso Doorashada Dalka.

Deni ayaa labo qodob oo sal u ah bilawga Cabashada Musharixiinta ka jeediyay kulankaas, waana in DG Jubbaland looga dambeeyo hab maamulka Gobolka Gedo, isla markaana Dowladda ay kasoo qaado Ciidanka ay geystay & In guddiga Doorashada Gobollada Waqooyi looga dambeeyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Aqalka sare BFS.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More