Halkan Ka DAAWO Muuqaalka Baraha Bulshada Qabsaday Ee
Magacyada labada xiddig ee ugu fiican jiilkan ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa ahaa kuwo haystay boggaga hore ee saxaafada kahor kulankii ay xalay kooxahooda Juventus iyo Barcelona ku kulmeen Champions League.
- Advertisement -
Waxay ahayd markii ugu horreysay ee ay kulmeen Ronaldo iyo Messi in ka badan 2 sano kaddib markii uu Ronaldo ka tagay Real Madrid una wareegay dhinaca Juventus taas oo soo af-meertay kulamadoodii El-Clasico ee sanadlaha ahaa.
Iyadoo ay labada xiddigba ku jiraan ama kusii socdaan sanadihii ugu dambeeyay ee waayahooda ciyaareed ee cajiibka ah, lama oga wakhtiga ay noqon doonto markii ugu dambaysay ee ay garoon iskaga hor yimaadaan.
Ronaldo ayaa ahaa midka kasoo dhalaalay kulankaas xalay isagoo laba rigoore oo uu isagu mid keensaday soo dhaliyay halka Lionel Messi oo sameeyay dhammaan darbadaha goolka ku aadanaa ee Barca uu dhaafi waayay Gianluigi Buffon.
Marka laga yimaado natiijada kulanka, dhacdada kale ee soo jiidajay jamaahiirta kulanka daawanaysay ayaa ahayd mar uu Ronaldo xerada ganaaxa dhexdeeda kubadda kaga difaacanayo Messi.
Messi ayaa kubadda ka dhex saartay lugaha Leonardo Bonnuci oo kabtanka Bianconeri ee xalay ahaa balse kubadda ka dheeraatay ayuu kahor qaadanayaa Ronaldo oo waajibaadkiisa difaacasho ku caawiyay daafaca kooxdiisa.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka
LMFAO RONALDO DEFENDING MESSI IN THE JUVE BOX
— S? (@KaizerKroos) December 8, 2020