Jamaahiirta Ma United Oo Aan Sinaba Ku Rumaysan Karin

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayuu kasoo yeedhay hadal lama filaan ahi kaddib kulankii ay xalay guuldarrada xilli ciyaareedkooda kharibaysa kala soo kulmeen kooxda ree Germany ee RB Leipzig.

- Advertisement -

Man United ayaa ku hor kuftay kooxda tababare Julian Nagelsmann oo 3-2 ugu garaacday kulan Red Bull Arena ka qabsoomay kaddib goolal ay ka kala heleen Angelino, Haidara iyo Kuilvert.

Manchester ayaa ku dhawaatay inay soo laabasho cajiib ah samayso balse waxa ay ahayd goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen iyagoo labadooda gool xilli dambe ka kala helay Bruno Fernandes iyo Paul Pogba.

Man United ayaa kaliya bar-bardhac u baahnayd si ay wareega 16-ka ee UEFA Champions League ugu gudubto balse waxa hoggaanka laga qabtay kaddib kaliya 109 il-bidhiqsi markii uu kulanku socday halka 2-0 hoggaanka lagaga hayay kaddib 13 daqiiqo.

Natiijadaas ayaa ka dhigan in Red Devils oo kulamadii hore fursada ugu fiican u haystay inay si raaxo leh Group-ka kaga baxaan ay u dhaadhaceen tartanka UEFA Europe League.

Haddaba, Solskjaer oo kulanka kaddib saxaafada la hadlay ayuu kasoo yeedhay hadalka lama filaanka ah ee ah in ciyaartoydiisu ay qorshihiisii ciyaarta si wanaagsan u fuliyeen gaar ahaan qaybtii hore oo ahayd qaybtii daqiiqadihii ugu horreeyayba la bur-bursaday safkiisa.

Ole Gunnar ayaa yidhi “Waxay ahayd mid adag dhammaadkii, ciyaartoydu si wanaagsan ayay u fuliyeen qorshahayagii gaar ahaan qaybtii hore”

“Wiilashu si adag ayay u dagaalameen, kulanka kahor ayaan sheegay inay mashiino yihiin markale ayayna taas muujiyeen caawa”

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More