Shaxda Kooxdii Ugu Fiicnayd Premier League Toddobaadkan &
Shabakada caanka ku ah ee looga bartay xogaha kala duwan ee kubadda cagta inay ururiso ee Whoscored ayaa soo saartay shaxda ay usoo xulatay mida ugu fiican horyaalka Premier League toddobaadkan oo ahaa midkii 11-aad.
Shaxdan ayay si lama filaan ah afar boos ugu yeelatay Crystal Palace oo soo xaaqday West Bromwich Albion, layaabyada kale ee xulashadan ayaa ah inuu goolka soo galay da’yarka Ligverpool ee Kelleher oo kulankiisii ugu horreeyay horyaalka ciyaaray.
Labada daafac dhexe ee shaxdan ayaa ah Joel Matip oo gool kasoo dhaliyay olves iyo Vestergaard oo isaguna gool madax ah kasoo dhaliyay Brighton xalay.
Daafaca midig ee xulashadan ayaa ah Aaron Wan-Bissaka oo door weyn ka qaatay guushii kooxdiisu ay kasoo gaadhay West Ham United halka uu daafaca bidix yahay Van Aanholt oo kasoo caawiyay Palace inay 5-1 kaga soo adkaatay West Bromwich.
Khadka dhexe ee shaxdan ayaa ah Mason Mount oo gool caawiye kasoo noqday ciyaartii ay Chelsea 3-1 ku jiidhay Leeds United iyo Kevin De Bruyne oo caawin iyo gool ka sameeyay kulankii ay Man City 2-0 kaga guuleysatay Fulham.
Labada xiddig ee kale ee shaxdan khadkeeda dhexe ah ee garbaha weerarka saaran ayaa kala ah Mohamed Salah oo gool iyo caawin kasoo sameeyay kulankii Wolves iyo Eze oo gool kasoo caawiyay Palace,
Labada weeraryahan ee shaxdan ayaa isku ah Crystal Palace waana Wilfred Zaha oo laba gool iyo caawin soo sameeyay iyo Christian Benteke oo laba gool soo dhaliyay.
Shaxda Oo Sawir Ah