Mustaqbalka Mesut Ozil Oo Dhinac U Dhacay, Man United Oo

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii waxa uu xidhmay horraanta bishii October, waxaana dhowaan la sugayaa inuu furmo suuqa waqtiga jiilaalka ee bisha January oo muddo kooban ay kooxuhu u heli doonaan inay kaga soo faa’iidaystaan.

Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada kooxahoodu dhamaad yihiin ayaa la kala jiidan doonaa oo lala soo wareegi doonaa, halka qaarkoodna heshiisyo hordhac ah lala sii gaadhi doono.

Sidii aad horeba nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa si joogto ah, wararkii ugu dambeeyey suuqa iibka ciyaartoyda ee ay qoreen wargeysyada waaweyn ee Yurub iyo xanta hoose ee aan wali bannaanka usoo bixin ee sida sirta ah ay jaraa’idku uga heleen kooxaha ee la xidhiidha suuqa.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ay maanta oo Salaasa ah qoreen wargeysyada waaweyn, waxaana xuquuqda wararkan iska leh isla wargeysyada aanu kasoo xiganay oo aanu magacooda war walba ku hor qornay.

Jesse Lingard iyo wakiiladiisa ayaa baadigoobaya fursadaha uu xiddigaasi amaahda ugu bixi karo suuqa bisha January iyadoo kooxda Real Sociedad ay kamid tahay kooxaha wadahadalada hordhaca ah la yeeshay. (Sky Sports)

Khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Mesut Ozil oo 32 sano jir ah ayay hubaal tahay inuu January 90% ku biiri doono kooxda Turkey-ga ah ee Fenerbahce sida uu sheegay mid kamida madaxda sarre ee kooxdaasi. (Sport Digitale, via Mirror)

Tababaraha Chelsea ee Frank Lampard ayaa sheegay inuusan wax cadaadis ahi ku saarnayn inuu iibiyo goolhayaha 72-ka Milyan ee Pound ugu jooga ee Kepa Arrizabalaga oo 26 sano jir ah. (Evening Standard)

Manchester United ayaa u jeedsan karta dhinaca xiddiga Real Madrid ee Lucaz Vazquez oo asal ahaan garab weerar ah balse garabka daafac ka ciyaari kara si ay tartan ula geliyaan Aaron Wan-Bissaka (Defensa Central – in Spanish)

Manchester United ayaa doonaysa inay iibiso goolhayaheedaa ree Argentina ee Sergio Romero oo 33 jir khibrad weyn leh ah haddii la bixiyo qiimaha 2-da Milyan ee Pound ah ee ay ku doonayso xilli sidoo kale ay u furantahay inay amaah ku fasaxdo.. (Football Insider)

Da’yarka khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee Billy Gilmour ayaa sheegay inuusan garanayn waxa uu mustaqbalku isaga u hayo xilli uu dhaawac kasoo laabtay iyadoo kooxdu saxeexyo cusub oo khadka dhexe ah samaysay. (Star)

Weeraryahanka ree Brazil ee Hulk ayaa iskaga tagay kooxda ree China ee Shanghai SIPG waxaana lala xidhiidhinayaa inuu heshiis bilaash ah ugu biiro mid kamida kooxaha Premier League. (Sun)

Tottenham iyo Tottenham ayaa lala xidhiidhinayaa khadka dhexe ee kooxda AC Milan ee Franck Kessie oo 45 Milyan oo Pound lagu qiimeeyo isla markaana heshiiskiisa Milan uu dhacayo June 2022. (Calciomercato – in Italian)

Liverpool ayaa rajaynaysa inay deg-deg wada xaajood heshiis kordhin ah ula bilawdo Fabinho oo 27 sano jir ah (Guardian)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More