Bruno Fernandes Ayaa Banaanka Soo Dhigay In Pogba, Martial,
Khabiirka Sky Sports Gary Neville ayaa weerar culus ku qaaday weeraryahanda Manchester United isagoo sheegay inaysan kubad ciyaari karin Bruno Fernandes la’aantiis.
Fernandes oo ku guuleystay Xiddiga Bisha ee Man United shan jeer oo ka mid ah sideedii bilood ee ugu danbeysay ayaa saameyn weyn ku leh kooxda laakiin Neville ayaa la fajacay sababta xiddigaha kale ee waa weyn ay isku muujin la’ yihiin isaga la’aantiis.
United ayaa 1-0 lagu hogaamiyay kulankii West Ham iyadoo halyeeyga Man United uu qaab ciyaareedkooda ku tilmaamay qashin ka hor inta uusan Fernandes soo gelin qeybtii labaad isagoo kooxda ka caawiyay inay 3-1 ku badiso.
“Qeybtii hore waxay ahaayeen kuwa aad u liita, waxaan dhihi karaa waxay ahaayeen qashin, wax laga fajaco, tilmaame kasta waad u isticmaali kartaa, waxay ahaayeen kuwa aad u xun” ayuu yiri Neville.
“Mar kasta kubada waa laga heystay, ciyaartooda waa ay isku dhac yaacsaneyd. West Ham ayaa aad uga fiicneyd.
“Ma ciyaari karaan Bruno Fernandes la’aantiis. Ma garanayo sababta, Bruno waa ciyaaryahan aad u fiican laakiin waxaan ku fekerayay in Van de Beek, Pogba iyo McTominay oo dhexda jooga iyo Greenwood, Cavani iyo Martial inaan awood u yeelan doonaan wax ka fiican qaab ciyaareedkooda qashinka ahaa.
“Daqiiqadii uu Bruno uu soo galay waxay u muuqdeen kuwa caboon, kuwa isku xiran, qaab ciyaareed fiican soo bandhigay. Ma garanayo waxa kooxda ku dhaca marka uusan dheeleynin.”