Daraasiin Israa’iiliyiin ah oo loo xiray banaanbaxyo ka dhan

Ugu yaraan 30 qof ayaa loo xiray banaanbaxyo ka dhacay Isra’el oo looga soo horjeedo ra’iisul wasaaraha dalkaasi Benjamin Netanyahu, sida ay ku warantay warbaahinta Israa’iil maanta oo axad ah.

- Advertisement -

Booliska ayaa Sabtidii sheegay in kumanaan mudaharaadayaal ah ay isugu soo baxeen fagaaraha Paris oo u dhaw guriga Netanyahu ee Galbeedka Qudus waxaana ka dhashay in ay xirmaan wadooyinka waawayn iyo waliba is buurashada shacabka.

Dibadbaxayaasha ayaa is urursanayay lixdii bilood ee la soo dhaafay, iyagoo sheegay in Netanyahu ay tahay in uu xilka ka dago sababo la xiriira in maamulkiis sameeyay musuqmaasuq iyo waxa ay ku sheegeen maamul xumida dhibaatada coronavirus ee maamulka Isra’el.

Netanyahu, oo wajahaya eedeymo la xiriira laaluush, jebinta kalsoonida shacabka iyo khiyaano, ayaa diiday in uu wax khalad ah sameeyay.

Sida laga soo xigtay wargayska Israel ee Haaretz, mudaharaadkan oo dhacay Sabtidii ayaa ahaa kii ugu weynaa todobaadyo, wuxuuna dhacay ka hor dhegeysiga maxkamada ee codsiga Netanyahu ee ah in la laalo kiisaskiisa musuqmaasuqa ah ee loo qorsheeyay in la dhagaysto maanta oo Axad ah.

Dibadbaxyadu waxa ay bilaabmeen gugii la soo dhaafay markii Netanyahu iyo ninka ay xafiiltamaan, Benny Gantz, ay isku raaceen in la sameeyo wax ay ugu yeereen dowlad deg deg ah oo diiradda saareysa maareynta caafimaadka iyo caqabadaha dhaqaale ee ka dhashay cudurka faafa ee coronavirus.

Wada shaqeyntooda waxaa curyaamiyay isqabqabsi dhexdooda ah,dhaqaale yarida, iyada oo shaqo la’aanta cirka isku sii shareerayso marba marka ka dambaysa.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More