“Waxaa naga go’an in Doorashada ay ku dhacdo waqtiga lagu
Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowladdiisu ay ka go’an tahay qabashada Doorashada 20/21 oo ay heshiis ka gaareen Hogaamiyayaasha Dowladda & Dowlad Goboleedyada.
Maamul Goboleedyada dhiman in ay soo dhammeystiraan Guddiga Doorashada waxa uu ugu baaqay in sida ugu degdegsan in ay usoo gudbiyaan Xubnaha ku matalaya hab maamulka Doorashada 20/21.
Xukuumadda Soomaaliya waxa uu u jeediyay in ay dabagasho habraacyada lagu heshiiyay si ay u dhaqangeliso Doorashada, maadaama waqtiga dhiman uu aad u kooban yahay, sidaas awgeed waxa uu faray in ay ku dhaqaaqdo howshaas.
Hogaamiyaha Soomaaliya ayaa sheegay in dhanka Dowladda shaqada inteeda badan kasoo dhammaatay, balse qaybta ku harsan Maamul Goboleedyada qaar uu ku adkeynayo in ay soo gudbiyaan si loo dhaqangeliyo heshiiska wadajirka ay u ansixiyeen labada Gole ee BFS.
“Waxa naga go’an in si buuxda loo fuliyo heshiiskii doorashada iyada oo laga fogaanayo dib-u-dhac ku yimaadda xilliga doorashada. Sidaas darteed, waxa aan Dowlad Goboleedyada aan weli soo dhammaystirin xubnaha ay ku leeyihiin guddiyada hirgelinta doorashooyinka ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan sidii looga dhabayn lahaa qodobbadii iyo hab-raacyadii lagu heshiiyay, aniga oo rajaynaya inay sida ugu dakhsaha badan u soo magacaabi doonaan qaybta ku hartay” Sidaasi waxaa yiri Hogaamiye Farmaajo.
Muran ayaa ka taagan Doorashada 20/21, Guddiga Heer Federaal ayaa shalay doortay Guddoomiye, halka Musharixiinta Hogaamiyaha dhankooda ay soosaareen 28-Xubnood oo doorasho qabta.
Axadle.