Wa maxay ujeedka safarka Cali Guudlaawe ee Muqdisho? –

Hogaamiyaha DG Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta kusoo wajahan Magaalada Muqdisho si uu qayb uga noqdo Shirarka siyaasadeed ee looga hadlayo Doorashada, ammaanka & Geedi socodka (Kala guurka) Dalka.

- Advertisement -

Cali Guudlaawe oo aan wali ka qaybgelin kulamada looga hadlayo Doorashada 20/21 ayaa haatan ku biiraya si uu u buuxiyo Booska Madaxweynihiisa hore Maxamed Cabdi Waare oo ay soo wada-shaqeeyeen muddada uu xafiiska joogay.

Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u sheegay in Cali Guudlaawe uu la kulmayo marka uu soo gaaro Caasimadda Hogaamiyayaasha DFS, qaar kamid ah Hogaamiyayaasha DG, Safiiro kala duwan & shaqsiyaadka saameynta ku leh Siyaasadda.

Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo Magaalada Jowhar aan ka bixin tan iyo 11-kii November 2020 oo loo doortay in uu noqdo Hogaamiyaha 4-ta sano soo socota ee Maamulkaas, balse waxa uu ka qaybgalay kulamo ku qabsoomay aaladda fogaan araga (Video Conference).

Dhowr jeer ayuu isu dayay in uu safar ku tago Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan, balse waxaa is hor istaagay Abuukar Xaaji Warsame oo ku magac dheer Gen. Xuud oo diiday doorashada Hogaamiye Guudlaawe.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More